Daraasad: Adeegga EVC Plus wuxuu Sare U Qaadey Horumark Maaliyadeed Ee Dalka

Image
Image
Image

Xarunta Cilmibaarista Jaamacadda simad ayaa soo qabanqaabisay kulan lagu soo bandhigay daraasad cilmi-baaris taasoo lagu qabtay magaalada muqdisho.

Daraasaddan oo ay sameeyeen cilmibaarayaal sare oo ka tirsan Jaamacadda simad ayaa waxay ku saabsaneyd lacagaha Mobile-ka iyo Horumarka system-ka maaliyadeed iyo bankgiyada soomaaliya, waxaana daraasadda laga sameeyey magaalooyinka waaweyn ee soomaaliya iyada oo si gaar ahaaneed loo baaray adeegga EVC-Plus  (Electronic Voucher Card) oo ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom.

Soo bandhigista cilmi-baaristan ayaa aad usoo jiidatay dhamaan bulashada soomaaliyeed, dad aad u fara badan oo ku sugnaa halka kulanku ka dhacday oo ka badnaa 300 oo qof.

Daaraasaddu waxay sheegtey in adeegga EVC Plus uu sare u qaadey horumarka maaliyadeed ee dadka, ayada uu 11% uu kulaahaa horumarka maaliyadeed ee sanadihii la soo dhaafey.

Sidoo kale daraasadda ayaa lagu soo bandhigay in 5.5% kaliya dadka Soomaliyeed ayaa heli karaan bank account, sidaas  awgeed adeega EVC Plus  waxa u suurta galiyay in ay adeegg bank helaan dadka faqriga ah iyo kuwa ku nool baadiyaha, waxaa kale uu adeegga EVC Plus fududeeyey in ay dadka lacagaha keydsadaan isla markaana amaan ah si fududna ay ku helaan adeegga.

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM