Deni oo dib-u-dhigay safar madaxda maamulada ee Garowe

Image
Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe ayaa Golaha Wadatashiga Qaranka u xilsaarey qaboojinta xiisadda siyaasadeed.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa baajiyey socdaal qorsheysanaa in dhowaan ay Garowe ku tagaan saddex kamid ah madaxda maamul goboleedyadda, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Madaxwayneyaasha Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug - Cabdicasiis Laftagareen, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe Xuseen - ayaa Deni la geli lahaa waan-waan ay kula heshiisiinayaan dowladda federaalka.

Sidda ay illo wareedyo u sheegeen GO, hogaamiyaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen ee Puntland ayaa madaxdan ku wargeliyey in ay dib-u-dhigaan safarkooda "inta uu ka baxayo mashquulka doorashooyinka lagu muransan yahay".

Deni ayaa dedaal xooggan waxa uu ugu jiraa in 25-ka bishan May, sanadkan 2023 uu Puntland ka hirgeliyo doorasho gole degaan hal dhinac ah iyo in uu sameysto muddo kororsi labo sano oo sharci darro ah.

"Ma jirto waqti cayiman oo uu siiyey madaxwayneyaasha maamuladda. Hase ahaatee, waxa uu u sheegay in uusan wadahadal diyaar u ahayn waqti-xaadirkan kuna mashquulsan arrimaha gudaha Puntland," ayay ku dareen illo wareedyadda.

Shirkii ugu dambeeyay ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadda ay ku yeesheen Baydhabo ayaa loogu xil-saarey Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe in ay miiska wadahadalka dib ugu soo celiyaan Deni.

Tan iyo markii uu ku guuldareystay doorashaddii 15-kii May iyo damaciisa xilka ra'iisul wasaaraha, Deni ayaa hoos-u-dhigay wadashaqeynta dowladda federaalka, waxaana uu bilaabay dagaal siyaasadeed oo aan gabasho lahayn.

Isaga oo ka hadlayay kulan ay soo agaasintey Villa Soomaaliya oo su'aallo lagu waydiiyey 1-dii May, 2023, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalsooni ka muujiyey in uu mirodhali doono safarka madaxda ergada ahaan u direen.

Todoba maalmood kadib, 8-dii May, 2023, ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhaleeceeyay hogaaminta Deni, waxaana uu walaac ka muujiyey in ay horseedi karto xasilooni-darro iyo amni xumo soo wajahda degaanadda Puntland.

Maalin kadib, 9-kii May, 2023, madaxwayne Deni oo u jawaabay madaxda dowladda federaalka ayaa ku eedeeyay "federaal diidnimo iyo dimuqraadiyad diidnimo". Balse, ma uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM