Deni oo la isku-raacay in uusan lahayn dhaqan dimoqraadiyadeed

Image
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay ayaa la sheegay in aan lagu aamini karin geedi-socodka dimuqraadiyadda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni ma lahan dhaqan dimoqraadiyadeed, laguna aamini karin geedi-socodka dimuqraadiyadda Puntland, sidda ay sheegeen siyaasiyiin.

Siyaasiyiintan oo ku mideysan Madasha Siyaasadda Puntland ayaa mowqifkooda waxay ku caddeeyeen war-murtiyeed ay kasoo saareen kulan labadii maalmood lasoo dhaafay ku dhexmarayay caasimada Garowe.

"Siyaasiyinta Puntland waxaa ka go'an in laga guuro hannaankii doorashooyinka ee ku salaysnaa beelaha oo ay Puntland ku soo dhaqmaysay 25kii sano ee ugu dambeeyay loona guuro hannaan dimuqraadiyadeed o loo siman yahay si waafaqsan dastuurka dowladda
Puntland qodobada 44aad, 45aad, 46aad iyo 47aad," ayay ku xusen bayaanka.

Doorashooyinka goleyaasha degaanka lagu muransan yahay isla markaana la qorsheeyay in uu qabsoomo 25-ka bisha May, sanadka 2023-ka ayay cod dheer uga digeen in ay horseedo xasilooni darro sivaasadeed iyo mid amni.

"Siyaasiyiinta ka soo qayb galay shirka waxay hoosta ka xariiqeen in doorashada golayaasha deegaanka ee hadda socota ay Puntland u horseedi karto xasilooni darro sivaasadeed iyo mid amni," ayay hoosta ka xariiqeen.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Shirku wuxuu garwaaqsaday in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uusan lahayn dhaqan dimoqraadiyadeed, laguna aamini karin geedi-socodka dimuqraadiyadda Puntland".

Xukuumadda waqtigeedu dhamaadka yahay ee Puntland ayay ku waaniyeen in ay gabi ahaanba joojiso geedi-socodkan lagu isku-khilaafsan yahay "maadaama ay ka maqan yihiin degmooyin muhiim ah".

"Shirku wuxuu yaqiinsan yahay in gobollo iyo degmooyin muhiim ah ay ka maqan yihiin doorashada golayaasha deegaanka Puntland, taas o kala dhantaalaysa midnimada shacabka, xadgudubna ku ah dastuurka dowladda Puntland qodobkiisa 7aad," ayay carabka ku adkeeyeen.

Saamileyda siyaasadda Puntland ayaa dhanka kale waxay walwal xooggan ka muujiyeen isku-dayga xukuumadda Deni ay difaaca gobolka Sool ugu adeegsaneyso olole siyaasadeed taasoo ay dalbadeen in la joojiyo.

"Shirku wuxuu ka walaacsan yahay in doorashada golayaaasha deegaanka ay iska horkeenayso beelaha walaalaha ah ee Puntland wada dhistay isla markaasna ay turaanturo ku tahay gurmadka shacabka Puntland ee xoraynta iyo difaaca gobolka Sool," ayay qoreen.

Ka qeybgelayaasha wadahaladda ayaa sidoo kale waxay si xooggan u cambaareeyeen in qaar kamid ah ururadda siyaasadda ay si qaldan uga faa'iideysteen daruufta dadka danyarta si ay ololaha ugu isticmaalaan.

"Shirku wuxuu cambaareynayaa ad gudgubka loo geystay xuquuqda barakacayaasha, taas oo ay ku kaceen qaybo ka mid ah ururada siyaasadda sida uu sheegay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland," ayay caddeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM