Dhacdooyinkii ugu waaweynaa Somalia sanadkii tegey ee 2014

Image

January 1, 2015 (GO)- Sanadkii tegey ee 2014 waxaa dalka Soomaaliya ka dhacday isbedelo waaweyn iyo dhacdooyin tira badan oo isugu jirey qaar ugub ah oon horay loo arag, qaar tiiraanyo reebay iyo weliba qaar loo riyaaqay. Garowe Online waxay idiin soo gudbineysaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee sanadkii tegey ka dhacay Puntland iyo Somaliya guud ahaan.

January 01, 2014 —  Xildhibaannada  Barlamanka cusub ee Puntland oo tiradoodu ahayd 66 mudane ayaa lagu dhaariyey xarunta Barlamanka ee magaalada Garowe, isla maalintaas Barlamanka Federaalka ayaa ansixiyey miisaaniyada dowlada ee sanadka 2014 . Miisaaniyadda oo dhameyd 56,282,615 doollar waxaa ogolaaday 169 xildhibaan.

  • Labo qarax oo loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay iridka hore Hotel Jazira ee magaalada Muqdisho. Qaraxyada waxaa ku dhintey 11 qof oo saraakiil booliska ka tirsani ku jireen 40 qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

January  02, 2014 — Shan qof ayaa ku geeriyootey magaalada Kismaayo kadib markii ay soo duntey buur carro-kaawada laga qodo. Dhammaan dadka geeriyoodey waxay ka tirsanaayeen shaqaalihii goobtaas ka hawl gelayey.

January  03, 2014 — Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in Soomaaliya laga caawiyo dhinacyada Amniga iyo horumarinta, iyagoo dhanka kale dalalka caalamka ugu baaqay inay laba jibbaaraan taageerada la siiyo Soomaaliya. 

  • Booliska Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ku xirey Wariye Faysal Jaamac Aadan oo ka mid ahaa  wariyeyaasha ka howlgala gobolka Sool kadib markii uu isku dayey inuu sawirro ka qaado dad dibadbax dhigayey.

January 04, 2014 — Barlamanka Puntland ayaa doortay guddoonka cusub ee golaha. Gudoomiyaha Barlamanka waxaa loo doortey Siciid Xasan Shire, Gudoomiye ku-xigeenka koowaadna waxaa ku guuleystey Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam halka Xuseen Yaasiin Diiriye loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka.

  • Ciidamada gaarka ah ee Somaliland ee RRU-da loo yaqaan ayaa gurigiisa kala baxay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar. Mas'uulkaas waxaa lagu soo eedeeyey inuu ka dambeeyey rabshado ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Oodweyne.

January 05, 2014 — Guddiga doorashada madaxtinimada ee Barlamanka Puntland ayaa shaaciyey shuruudaha laga rabo murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka. Shuruudaha murashaxiinta lagu xiray waxaa ugu mihiimsanaa:

  1. Inuu yahay muwaadin u dhashay Puntland, Muslim ah islmarkaana aan qabin haweeney ajnebi ah.
  2. In murashaxa madaxweynuhu uu bixyo khidmad dhan $10,000 (toban kun oo doolar) murashaxa xilka madaxweyne ku-xigeenkuna uu bixiyo $5,000 (Shan kun oo doolar).
  3. In shantii sano ee ugu dambeysey hantidiisa khaaska ah aanay maxkamadi xannibin islamarkaana aan lagu helin khiyaamo qaran.
  4. Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo hoggaamineed.
  5. In da'diisu aanay ka yarayn 40 sano.
  6. Murashaxiintu waxay ka imaan karaan baarlamaanka dhexdiisa iyo dadweynaha caadiga ah.

January 06, 2014 — Guddiga doorashada ee Barlamanka Puntland ayaa soo bandhigay magacyada murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada.

  • Waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ku geeriyoodey -AHN- Qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise oo kamid ahaa kuwa ugu caansan qalinleyda soomaaliyeed. Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu ku dhashay miyiga degmada Qandala ee gobolka Bari sanadkii 1922, wuxuuna wax ka qoray suugaanta iyo sooyaalka Soomaalida. Sanadkii 1954 ayuu bilaabay qoraalka wuxuuna ka tegey buugaag badan oo dhaxal gal ah.

January 07, 2014 — Murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee dhacday sanadkii hore ayaa Barlamanka ka hor akhriyey khudbado ay kusoo bandhigeen taariikh nololeedkooda oo kooban iyo waxyaabaha ay qaban doonaan hadii la doorto.

January 08, 2014 —  Waxaa dhacday doorashadii madaxtinimada Puntland ee lagu soo doortey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey.

January 09, 2014 —  Al-shabaab ayaa soo saartay amar ay ku mamnuucayso adeega internetka ee telefoonada gacanta laga isticmaalo iyadoo muddo 15 maalmood ah u qabatey shirkadaha isgaarsiinta.

  • Waxaa qarax ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho lagu diley gudoomiyihii hore ee deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose Cabdullaahi Jaamac Siyaad (Jabeey).

January  11, 2014— Dowlada Maraykanka ayaa shaacisay in tobannaan ciidamadeeda ka tirsani Soomaaliya joogaan islamarkaana gacan ka siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

January 14, 2014—  Munaasabad ka dhacday madaxtooyada Garowe ayaa waxaa si rasmi ah xilka ugula kala wareegey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole iyo madaxweynaha xilligan Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

January 15, 2014—  Madaxweyne Gaas ayaa agaasimaha madaxtooyada usoo magacaabay Deeq Suleymaan Yuusuf. Deeq wuxuu ahaa mas'uulkii ugu horreeyey ee Cabdiweli Gaas doorashadiisii kadib xil usoo magacaabo.

January 17, 2014— Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa soo dhisay xukuumad ka kooban 55 xubnood oo isugu jirey 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo shan wasiiru dowle.

January 19, 2014— Dowlada Federaalka iyo Maamulka Somaliland ayaa heshiis hordhac ah oo dhowr qodob ka koobnaa ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Heshiiska waxaa labada dhinac u kala saxiixay wasiirkii hore ee amniga  qaranka Somalia Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

January 20, 2014— Waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday munaasabad ballaaran wufuud tiro badanina kasoo qayb gashay taasoo lagu caleema saaray madaxda maamulka Jubaland. 

January 21, 2014— Xildhibaannada Barlamanka Federaalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golihii wasiirada xukuumadii Ra'isal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ee bil kahor kalsoonida lagala noqdey. 

  • Labo qarax ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacayo gaar ahaan inta u dhexeysa isbitaalka GMC iyo suuqa Barwaaqo. Qaraxyada oo loo adeegsaday miinooyinka meelaha fog laga hago waxaa ku dhintay 5 qof iyadoo lix qof oo kalena ku dhaawacmeen. Dhamaaan dadka qaraxaas ku waxyeeloobay ayaa rayid ahaa mana jirto cid mas'uuliyadda labadaas weerar sheegatay inkastoo saraakiisha ammaanka gobolka Mudug ku eedeeyeen Al-shabaab.

January 22, 2014— Ciidamada Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu soo biiray hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM, isla maalintaas waxaa la dhaariyey Wasiiradii ku jirey xukuumadii Ra'isal Wasaare Cabdiweli Sheekh  Axmed waxaana soo xirmay kal-fadhigii 4aad ee Baralmanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

January 24, 2014— Xaflad lagu caleemo saaray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camey ayaa ka dhacday madaxtooyada Garowe. 

January 25, 2014— Dagaal ayaa buuraleyda Galgala ku dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab. Wasiirkii hore ee amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maalintaas shir-jaraa'id ku qabtey Garowe wuxuu sheegay in dagaalku bilowday kadib markii ciidamada Puntland weerar ku qaadeen fariisimaha Al-shabaab. Col. Mudane oo ka hadlayey khasaaraha dagaalkaas ka dhashay wuxuu sheegay inay ku dileen shan ka tirsanaa Al-shabaab todoba kalena ku dhaawaceen, dhanka dowlada wuxuu sheegay in hal askari dagaalka kaga dhintay.

  • Isla maalintaas habeenimadeedii waxaa magaalada Gaalkacayo gaar ahaan agagaarka Hotel Cagaarweyn  ee xaafada Garsoor lagu toogtey Cabdi Maxamed Aadan (Cabdi dheere) oo ahaa madaxii xafiiska hay'adda NRO ee gobolka Mudug.

January 26, 2014— Waxaa Xarunta Wasaarada Amniga ee magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay qalab iyo hub dowladu sheegtay in lagu soo qabtay hawlgal ciidamadu maalin kahor ka sameeyeen buuraleyda Galgala.

January 27, 2014— Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Nugaal ayaa magaalada Garowe lagu diley. Dilka nabadoonka waxaa la xaqiijiyey salka ku hayey aano qabiil.

January 28, 2014— Madaxweynaha Puntland ayaa soo magacaabay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeeno iyo weliba wasiiru dowleyaal.

January 30, 2014— Maamullada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayaa magaalada Gaalkacayo ku kala saxiixday heshiis 11 qodob ka koobnaa nuxurkiisuna ahaa dib u heshiisiin iyo in labada maamul dhinacyada horumarka iyo ammaanka iska kaashadaan.

January 31, 2014— AHN Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya ra'isal wasaare kasoo noqdey intii u dhexeysey sanadihii 1964  illaa 1967 ayaa ku geeriyoodey magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.


February 01, 2014- Xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ee Madaxweyne Cabdiweli Gaas soo magacaabay ayaa Garowe lagu dhaariyey. 

February 02, 2014- Booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xirey mas'uuliyiin ka tirsanaa Dowlada Federalaaka. Mas'uuliyiinta oo tiradoodu saddex ahayd laguna magacaabo Maxamed Jaamaac, Fahiima Nuur Nageeye iyo Cabdicasiis Aadan waxay ka kala tirsanaayeen madaxtooyada, xafiiska ra'isal wasaaraha iyo wasaarada arimaha dibada. Baaritaan kadib xoriyadooda ayaa dib loogu soo celiyey kadib markii la xaqiijiyey inay halkaas transit ku marayeen.

  • Waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtey guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Dharkeynley oo lagu magacaabi jirey Macalin Cabdulle Cali Hilowle.

February 03, 2014- Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay buuraleyda Galgala.  Dagaalka oo socdey mudo saddex saac ku dhow, wuxuu bilowday kaddib markii Al-shabaab hoobiyeyaal kusoo duqeysey fariisimo ay deegaannadaas ku leeyihiin guutooyin ka tirsan Ciidamada Daraawiishtu. Sida uu xaqiijiyey Abbaanduulaha Ciidamada Daraawiishta ee ku suggan aagga tuulada Galgala G/le. Maxamed Saleebaan Caabi waxaa dagaalka lagu diley labo ka tirsanaa Al-shabaab dhanka dowladana waxaa dhaawac fududi soo gaarey labo askari.

February 04, 2014- Xildhibaannada Barlamanka Puntland ayaa ansixiyey xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. 55 xildhibaan oo fadhiga maalintaas soo xaadiray ayaa dhammaantood xukuumadda siiyey codka kalsoonida.

February 05, 2014- Ciidamada Somaliland oo kaashanaya sirdoonka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed Axmed (Carabey). Hawlgalka ninkaas lagu soo qabtay wuxuu ka dhacay meel u dhow xadka Itoobiya.

February 06, 2014- Waxaa la diley Sheekh caan ka ahaa magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jirey Cabdixamiid Sheekh Cabdibaarri Fiqi kaasoo ay qaraabo dhow ahaayeen wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.

February 07, 2014- Ra'isal wasaarihii hore ee Somaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Aaska waxaa ka qayb galay madaxda ugu sareysa Dowalada Federaalka, Puntland iyo wufuud ka kala timid dalalka deriska.

February 10, 2014- Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeelada Hoose Axmed Cumar Mudane ayaa isku day dil ka badbaadey kadib markii uu ku qarxay bam gaarigiisa loogu xiray xilli uu marayey jidka KM4.

February 11, 2014- Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukuno kala duwan ku ridey saddex nin oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Magacyada saddexda nin iyo xukunada lagu ridey ayaa ahaa sidan: 

1-C/raxmaan Muuse Cismaan - xabsi daa'im.
2-C/xakiim Cabdulaahi Xundul - xarig toban sano ah.
3-C/xakiim Cumar Gudduudow - xarig shan sano ah. 

February 12, 2014- Shabakadaha xiriirka bulshada ayaa lagu faafiyey war markii dambe been noqday oo ahaa in uu geeriyoodey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaas safar caafimaad dalka Turkiga u joogey.

February 13, 2014- Lix qof ayaa ku dhimatay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho. Qaraxa oo mas'uuliyadiisa Al-shabaab sheegatay waxaa lala bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo saraakiil Qaramada Midoobay ka tirsani la socdeen. 

  • Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cuna-qabateynta hubka ayaa shaacisay warbixin ay ku sheegtay in hubka dowlada laga iibiyo Al-shabaab.

February 14, 2014- Ciidamada Somaliland ayaa qabsaday deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Sool.

February 17, 2014- Taliyihii nabad-sugidda maamulka Jubaland Ciise Kaambooni ayaa magaalada Kismaayo lagu diley, Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka. Isla maalintaas Qaramada midoobay ayaa abaalmarin Garowe ku guddoonsiisey afar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala Puntland. Wariyeyaasha abaal marinta la guddoonsiiyey ayaa kala ahaa: Maxamed Salaad Xaaji Dirir, C/raxmaan Axmed Yuusuf(Faratol), Cabdi Xasan Awoowe iyo C/raxmaan Cabdi Maxamed (Xudeyfi). 

February 21, 2014- Al-shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Weerarka oo isugu jirey is miidaamin iyo tacshiirad toos ah waxaa ku dhintay 11 qof oo mas'uuliyiin dowlada ka tirsani ku jireen 20 kalena way ku dhaawacmeen. Dadka weerarkaas lagu diley waxaa kamid ahaa: Jen. Nuur Shirbow oo ahaa taliye ku xigeenka hay'adda nabadsugidda iyo Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-case) oo ahaa agaasimihii guud ee xafiiska ra'isal wasaaraha. 

February 26, 2014- Maamulka Galmudug ayaa Puntland kusoo wareejiyey nin dhallinyaro ah oo ka tirsanaa amniyaadka Al-shabaab kaasoo isaga iyo mid kale tacshiirad huwiyeen dad fadhiyey maqaayad ku taalla xaafada Garsoor dabadeedna u baxsadeen dhanka Galmudug.

February 27, 2014- Ugu yaraan 10 qof oo shacab iyo askar isugu jirey ayaa ku dhintay in ka badan 15 qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay agagaarka Baar Fiat ee magaalada Muqdisho.


March 02, 2014- Ciidanka booliska Somaliland ayaa guri Hargeysa ku yaalla ka helay meydka haweeney ganacsato ahayd oo halkaas lagu aasay. Qoys haweeneydaasi lacag deyn ah oo badan ku lahayd ayaa diley dabadeedna ku dhex xabaalay gurigooda.

March 04, 2014- Al-shabaab ayaa degmada Baraawe ku toogtey saddex nin oo ay ku eedeeyeen inay jawaasiis u ahaayeen dowlada Faransiiska, Dowlada Federaalka iyo Puntland. Saddexda nin waxaa lagu kala magacaabi jirey: Geelle Cabdalle, Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole iyo Cabdiraxmaan Cabdiladiif Axmed.

March 05, 2014- Ugu yaraan shan ruux oo uu ku jirey taliye ku xigeenkii qaybta booliska ee gobolka Bay, Col. Nishow Kurtun ayaa ku geeriyoodey shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowlada Federaalka ku dhex maray bar-kantarool oo taallay meel ku dhow saldhigga booliiska degmada Baydhabo.

March 06, 2014- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay xilliga la khafiifiyey cunno qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana lagu daray muddo sideed bilood ah.

March 07, 2014- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa dagaal xooggan kadib Al-shabaab kala wareegey degmada Xudur ee gobolka Bakool.

March 09, 2014- Ganacsade caan ka ahaa deegaanada Jubbooyinka oo lagu magacaabi jirey Xasan Diiriye ayaa lagu diley magaalada Kismaayo.

March 10, 2014- Fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed  Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Germany.

March 13, 2014- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa la wareegey degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

March 14, 2014- Dowladda Maraykanka ayaa malaayiin doollar u ballan qaaday ciddii gacan ka geysata soo qabashada ama dilka saddex kamid ah saraakiisha sare ee Al-shabaab. Saddexda nin oo midkiiba Maraykanku dul dhigay lacag dhan 3 milyan oo doolar waxay magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Cabdiqaadir Cikrama, Yaasiin Kilwe iyo sarkaalka saddexaad oo magaciisa lagu soo koobay Jacfar.

March 16, 2014- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku tagay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Puntland oo booqashada Siilaanyo ka hadashay waxay ku tilmaantay daandaansi.

March 17, 2014- Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo ka dhacay inta u dhexeysa tuulada Laag iyo magaalada Bosaso ku dishey taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Sugurre, Jaamac Siciid Warsame (Afguduud). 

March 22, 2014- Col. Cabdiqaadir Xasan Cade ayaa loosoo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada difaaca Puntland ee fadhigoodu yahay buuraleyda Gal-gala. Isla maalintaas ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM  ayaa la wareegey degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose.

March 23, 2014- Siddeed oday oo kamid ahaa ergooyinkii ka qayb galay shirkii dhismaha maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol ayaa lagu diley duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay xilli ay kusoo jeedeen gobolka Shabeelada Hoose. Dilka odayaasha waxaa lagu eedeeyey Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab eedeyntaas iska fogeysey.

March 24, 2014- Ugaaskii beesha Cawramale, Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa lagu diley magaalada Kismaayo.
March 25, 2014- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa markii ugu horeysey booqday fariisimaha ciidamada ammaanka Puntland ee buuraleyda Gal-gala.

March 26, 2014- Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

March 27, 2014- Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Jubaland oo lagu magacaabi jirey Maxamed Sure ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

March 28, 2014- Al-shabaab ayaa Baraawe ku toogtey saddex nin oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen lana shaqeynayeen hay'adda nabadsugida dowladda Soomaaliya. Saddexda nin waxaa lagu kala magacaabi jirey: Maxamed Deeq Xasan Cali , Maxamuud Faarax Sabriye Shuure iyo Cabdinajiib Shire Barre.


April 03, 2014— Madaxweyne Gaas ayaa Cabdiqani Xaashi Cali  usoo magacaabay guddoomiyaha gobolka Nugaal kadib markii xilka laga qaaday Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo isagu muddo lix sano ah xilkaas soo hayey.

April 04, 2014— Maxaabiis burcad-badeednimo ku eedeysnaa oo sannadkii 2013 laga keenay Jaziiradda Seychelles ayaa ka baxsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Maxaabiista fakatay oo tiradoodu 15 ahayd ciidamada asluubta ayaa ku guuleystey inay dhammaantood gacanta kusoo dhigaan.

April 06, 2014— Barlamanka Puntland ayaa ansixiyey miisaaniyadii dowlada ee sanadkii hore 2014 taasoo ahayd 30, 679, 000 oo doolar.  46 xildhibaan oo kamid ah 50 xildhibaan oo fadhiga Barlamanka maalintaas soo xaadiray ayaa miisaaniyada ogolaaday.

  • Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa kala diray golihiisii wasiirrada kadib markii uu sheegay inay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkii loo idmaday.

April 07, 2014— Askari ka tirsan ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacayo ayaa toogasho ku diley labo sarkaal oo u kala dhashay dalalka Canada iyo Britain kuwaasoo u shaqeynayey hay’adda UNODC ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka daroogada iyo dambiyada.

  • Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa albaabada isugu dhuftay xaruntii wargeyska madaxa bannaan ee HAATUF oo isagu ilaa iyo hadda xiran.

April 09, 2014— Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kasoo degey 81-qof oo laga soo musaafuriyey dalka Kenya, kadib markii kumanaan Soomaali ah oon sharci haysan laga qabqabtay magaalada Nairobi.

April 10, 2014— Diyaaradii ugu horeysey ayaa soo caga dhigatay garoon macmal ah oo laga hirgeliyey magaalada Buuhoodle. 

April 14, 2014— Labo sarkaal oo ka tisanaa hay'adda nabadsugidda Dowlada Federaalka ayaa lagu diley degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Labada sarkaal waxaa lagu kala magacaabi jirey: Axmed Sheekh Cabdalla iyo Cabdiraxmaan Cali Cabdi.

  • Waxaa heshiis ku saabsan sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa xoojinta ammaanka wada gaarey dalalka Kenya iyo Turkiga. Dhanka Kenya waxaa heshiiska u saxiixay Madaxweyne Uhuru Kenyatta dalka Turkigana waxaa u saxiixay madaxweynihii hore Abdalla Gul.

April 15, 2014— Ciidamada Somaliland ayaa qabsaday degmada Teleex ee gobolka Sool inkastoo maalin kadib ay dib uga baxeen.

April 16, 2014— Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa amar ku bixisay in dib halkii ka yimaadeen loogu celiyo 53 qof oo tahriibayaal Itoobiyaana ahaa.

  • Isla maalintaas shil gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa ku geeriyoodey 20 qof, 25 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo marayey deegaanka Garas-baalleey.

April 17, 2014— Waxaa markii ugu horeysey Gaalkacayo ku kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

  • Waxaa magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyey qaybtii labaad ee ah dad Soomaaliyeed oo laga soo musaafuriyey Kenya.

April 19, 2014— Degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa gole deegaan loo dhisay waxaana la doortay guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa.

April 20, 2014— Booliska Somaliland ee degmada Laascaanood ayaa xabsiga dhigay saddex wariye oo lagu kala magacaabo Cabdiqani Goox, Cali Yuusuf Axmed iyo Cabdirashiid Caydiid.

April 21, 2014— Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) ayaa ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray. Mas'uuliyadda dilka xildhibaanka waxaa sheegtay Al-shabaab.

  • Isla maalintaas waxaa magaalada Kismaayo lagu diley suldaankii beesha Sheekhaal ee Jubooyinka Suldaan Caamir Cabdi Dhuux.

April 22, 2014— Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal (Afar-indhood) ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay. Mileeshiyo Al-shabaab ka tirsan ayaa gurigiisa oo xaafada Dabakaayo-Madow ku yaalla ugu galay xildhibaanka dabadeedna madaxa ka toogtey.

  • Sidoo kale April 22deedii waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtey weriye ka tirsanaa idaacada maxalliga ah ee Dalsan kaasoo lagu magacaabi jirey Maxamed Cumar Maxamed (Cammaar).

April 25, 2014— Nabadoon Aadan Cabdiqaadir (Aadan Dheere) oo caan ka ahaa gobolka Gedo ayaa lagu dilay degmada Balad-xaawo.

April 26, 2014— Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa ku amartay dhakhaatiirta ka howlgala deegaannada Puntland in ay 20 maalmood gudahood isku diiwaan-geliyaan.

April 27, 2014— Wejigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa Kismaayo ka furmay.

April 28 2014— Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa soo magacaabay golihiisa wasiirada ee cusub oo ka kooban 12 xubnood.

April 29, 2014— Booliska magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay 12 qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab, kuwaasoo lagu soo qabtay hawlgal ciidamadu ka sameeyeen xaafada Raxiis kadib qarax ka dhacay guri lagu diyaarinayey waxyaabaha qarxa.


May 03, 2014- Xoghayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan iyo toban qof oo kale oo isugu jirey ilaaladiisa iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4.

  • Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Coonka oo ka tirsan Barlamanka Soomaaliya ayaa ka badbaadey isku day dil kadib markii bam loogu xiray gaarigiisa. 

May 07, 2014- Konton oday dhaqameed oo kasoo jeeda beelaha Muqdisho ayaa soo gaarey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Guddoomiyaha oday-dhaqmeedyada Muqdisho Maxamed Xasan Xaad oo wafdigaas hogaaminayey ayaa BBC-da u sheegay in ujeedada booqashadaasi ahayn mid siyaasadeed, balse ay u tageen in ay walaalahooda Somaliland ugu mahadceliyaan horumarka ay ka gaareen nabadda iyo maamul-wanaagga, waa sida uu hadalka u dhigaye.

  • Waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley macalin Kenyan ahaa oo wax ka dhigayey machadka Vision International Collage.

May 08, 2014- Ciidamada booliiska ee gobolka Bari ayaa soo bandhigay labo maxbuus oo Al-shabaab ka tirsan iyo labo kale oo meyd ahaa. Maxaabiista waxaa lagu soo qabtay hawlgal ciidamadu ka sameeyeen inta u dhexeysa tuulooyinka Kalabeyr iyo Jiingadda. 

  • Isla maalintaas xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federaalka ayaa u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waraaq ay kaga codsanayaan inuu is casilo. Qodobada codsigaas xildhibaanadu u sababeeyeen waxaa kamid ahaa in Madaxweynuhu ku guul daraystey fulinta ballan qaadyadii uu sameeyey xilligii uu murashaxa ahaa.

May 10, 2014- Qaramada Midoobay ayaa ka digtey cunto yari iyo macaluul ay suurogal tahay inay ka dillaacdo Soomaaliya.

May 12, 2014- 13 qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay xarunta shirkadda Dahabshiil ee magaalada Baydhabo. Dadka weerarkaas ku dhintay waxaa kamid ahaa shan kamid ah shaqaalaha xafiiska shirkada Dahabshiil ee Baydhabo.

May 14, 2014- Al-shabaab ayaa ku toogtay meel fagaare ah oo ku taalla degmada Baar-dheere ee gobolka Gedo nin ay ku eedeeyeen inuu ahaa basaas lana shaqeynayay ciidamada dowladda Soomaaliya. Ninka oo da'diisu 21 jir ahayd waxaa lagu magacaabi jirey Cabdixamiid Sheekh Maxamed Xuseen.

May 15, 2014- Guddoomiyihii maxkamadda degmada Luuq oo lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamuud ayaa la dilay.

May 17, 2014- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Haylaan, Gardafuu iyo Sanaag-  ayaa maanta xukun ku riddey 14 askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Puntland. Askartaas oo amar diido lagu soo eedeeyey waxaa midkiiba lagu xukumay shan sano oo xarig ah.

  • Waxaa Magaalada Garowe si diirran loogu soo dhaweeyey kooxda kubadda kolayga ee Garowe City oo kaalinta labaad ka gashay tartankii kubadda kolayga ee magaalooyinka ku yaal bariga iyo batamaha Afrika ee kusoo gaba gaboobey xarunta dalka Tanzania ee Daarisalaam.

May 18, 2014- Waxaa meel gurigiisa u dhow lagu diley Idiris Gacameey  oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii xaafadda Berdaale ee magaalada Baydhabo.

May 19, 2014- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare usoo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

May 20, 2014- mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa 12 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ku diley meel u dhow degmada Mandheera kadib markii ay jidka u galeen kolonyo gaadiid ah oo ciidamadu wateen.

  • Al-shabaab ayaa haweeney lagu magacaabi jirey Fartuun Axmed Maxamuud ku gowracdey tuulada Gelgel oo hoos tagta degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay. 

May 22, 2014- Dab ayaa qabsaday qaybtii iibka ee Shirkada Shaafici oo iyadu ah tan ugu weyn shirkadaha keena daawooyinka ee ka jira Puntland. Dabka waxaa sababay shoor korontadu samaysay waxaana ku baaba'ay hanti lagu qiyaasay $80,000 sida uu maalintaas warbaahinta u sheegay Maxamuud Dheere oo ah maamulaha shirkadda.

May 24, 2014- Mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar qorsheysan kusoo qaaday xarunta Barlamanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Ragga weerarka soo qaaday oo tiradoodu 7 ahayd waxay qaarkood isku qarxiyeen iridka hore ee xarunta halka qaar kalena ku guuleysteen inay gudaha u galaan dhismaha. Weerarka oo 15 qof ku dhinteen 30 kale oo xildhibaano kamid yihiina dhaawac kasoo gaarey wuxuu soo gaba gaboobey kadib markii ay goobta soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada nabad-sugidda iyo AMISOM.

  • Isla maalintaas waxaa is casiley wasiirkii hore ee amniga Dowlada Federaalka Cabdikariin Xuseen Guuleed.
  • Sidoo kale isla maalintaas qarax ismiidaamin ahaa oo mas'uuliyadiisa Al-shabaab sheegatay ayaa ka dhacay maqaayad lagu magacaabo La Chaumiere oo ku taalla bartamaha magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti taasoo inta badan dadka ajaanibta ahi fariistaan. Weerarka waxaa ku dhintay in ka badan toban qof oo labo kamid ahi ahaayeen kuwii weerarka fuliyey waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 15 qof. Dadka weerarkaas ku waxyeeloobay ayaa u badnaa ajaanib.

May 25, 2014- Munaasabad ka dhacday magaalada Qardho ayaa lagu caleemo saaray Boqor Burhaan Boqor Muuse.

May 27, 2014- Mileeshiya ka tirsan Al-shabaab ayaa isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ku diley sarkaal Turkish ahaa oo ka tirsanaa shirkadda duulimaadyada ee Turkish Airlines laguna magacaabi jirey Saadettin Dongan.

  • Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay deegaanno ku yaal bariga fog ee gobollada Bari iyo Karkaar. 

May 28, 2014- Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) ayaa ka badbaadey isku day dil kadib markii gaarigiisa qarax lagula eegtay agagaarka warshadii hore ee caanaha oo ku taalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

  • Hay'adda UNICEF ayaa sheegtay in 200,000 oo caruur Soomaaliyeed ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano halis ugu jiraan nafaqo-darro.

May 30, 2014- Al- shabaab ayaa degmada Buulo-mareer ku toogatey saddex nin oo ay ku eedeysey inay jawaasiis ahaayeen. Saddexda nin oo dhammaantood dhallinyaro ahaa waxaa lagu kala magacaabi jirey: Cali Isxaaq Cabdi, Cismaan Mahad Cismaan iyo Muraale Macallin Cali Cabdiraxmaan.

  • Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay labo nin oo Al-shabaab ka tirsanaa kuwaasoo bishii April degmada Yaaqshiid ku toogtey  gabar ka hawlgelaysey hay'ad samafal laguna magacaabi jirey Nafiso Cismaan Salaad. Labada nin ee la xukumay waxaa iyagana lagu kala magacaabi jirey Shaafici Cabdicasiis Xirsi iyo Xasan Maxamuud Cabdi (Salmaan).
  • Sidoo kale labo qarax oon wax khasaare ah geysan ayaa maalintaas ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.


June 01, 2014- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riddey nin ka tirsan Al-shabaab oo  lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Cali, kaaso qayb ka qaatay dilka 23 qof. Dadkaas  oo mas'uuliyiin dowlada ka tirsan iyo waxgarad u badnaa waxaa intii u dhexeysey sanadihii 2009 ilaa 2012 lagu laayey magaalooyinka Bosaso, Garowe iyo Galkacayo.

Dhacdooyinka kale ee maalintaas dhacay waxaa kamid ahaa:

  • Al-shabaab ayaa degmada Baraawe ku toogtey saddex nin oo ay kusoo eedeeyeen inay basaas u ahaayeen Dowlada Federaalka, Kenya iyo Maraykanka. Saddexda nin waxaa lagu kala magacaabi jirey: Saalax Fu'aad Cismaan oo 24-jir ahaa, Maxamed Diiriye Cismaan oo 22-jir ahaa iyo Maxamed Aadan Ibraahim oo 26-jir ahaa.
  • Sidoo kale maalintaas in ka badan soddon qof  ayaa dhaawacyo kala duwani soo gaareen kaddib markii dab qabsady kaalin shidaal oo ku taalla bartanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
  • Dowlada Puntland ayaa masiibo qaran u aqoonsatay kalluumaysiga sharci darrada ah.

June 07, 2014- Hoggaamiyihii hore ee kooxaha Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa isu soo dhiibey Dowlada Federaalka. Atam wuxuu sheegay inuu isaga baxay Al-shabaaab nabadna qaatay hada kadibna diyaar u yahay inuu si nabad ah afkaartiisa diiniga ah ku gudbiyo.

  • Waxaa dib xorriyadooda u helay saddex qof oo kamid ahaa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ka howgala, kuwaasoo mudo labo sano ah lagu haystey gobollada dhexe. Saddexda qof oo midkood  haweeney ahayd, laguna kala magacaabo: Janet Kanga, Martin Kioko iyo Abdinoor Boru, waxay u shaqeynayeen Hay'adda IAS (International Aid Services).

June 09, 2014- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dib xoriyadooda ugu soo celisey siddeed qof oo labo kamid ahi dumar yihiin kuwaasoo horay loogu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Dadka lasii daayey ayaa kala ahaa:

  1. Saynab Cabdirisaaq Ciise.
  2. Faadumo Maxamed Cismaan.
  3. Maxamud Maxamed Cismaan.
  4. Maxamed Cali Cabdule.
  5. Cali Maxamed Cali.
  6. Cabdinaasir Badal.
  7. Khaliif Maxamed.
  8. Cabdulaahi Maxamed Axmed.

June 12, 2014- Cutubyo ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa soo gaarey duleedka degmada Taleex oo xilligaas uu ka socdey shirkii saddexaad ee Khaatumo. Wax dagaal ahi maalintaas kama dhicin Taleex maadaama ciidamadii iyo xubnihii maamulka Khaatumo halkaas horay uga baneeyeen.

June 13, 2014- Dagaal u dhexeeya ciidamada Khaatumo iyo Somaliland ayaa ka dhacay deegaanka Geel-boob oo ku dhow tuulada Saax-dheer oo 75-KM koonfur ka xigta magaalada Laascaanood.

June 14, 2014- Al-shabaab ayaa meel degmada Baydhabo  13 km u jirta ku gubtey gaari qaad sidey iyagoo gowracey wadihii gaarigaas.

  • Al-shabaab ayaa degmada Bu'aale ku xirtey 100 dumar ah oo diidey inay xirtaan indho-shareerka (niqaabka).

June 15, 2014- Mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa 48 qof ku diley in ka badan 80 kalena ku dhaawacay deegaanka Mpeketoni oo ku dhow jaziirada Lamu ee dalka Kenya.

June 19, 2014- Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka dowladaha ku bohoobay Africa, Caribbean and Pacific (ACP).

June 21, 2014- Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan) oo ka tirsanaa idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray.

June 22, 2014- Puntland ayaa kasoo horjeedsatay heshiis dhanka shidaal baarista ah oo Dowladda Federaalku la gashay shirkadaha Shell iyo EXON.

  • Agaasimaha macdanta iyo shidaalka Puntland Ciise Dhoolowaa ayaa sheegay Puntland inaysan aqbali doonin in shirkad shidaal oo iyadu si gaar ah ula heshiin inay dhulkeeda shidaal ka baarto.

June 23, 2014- kulan ka dhacay madaxtooyada Muqdisho ayaa lagu heshiisiiyey labo maamul oo midna saddex gobol ka koobnaa midka kalena lix gobol oo horraantii sanadkii hore lagu dhisay magaalada Baydhabo.

  • Xulka gobolka Nugaal ayaa ku guuleystey tartankii 7aad ee horyaalka kubadda cagta gobollada Puntland. 

June 29, 2014- Macalin wax ka dhigi jirey jaamacada Hiiraan iyo dugsiga sare ee Beledweyn ayaa lagu diley isla magaalada Beledweyn. Macalinka oo sidoo kale khadiib ka ahaa masjidka Al-nuur waxaa lagu magacaabi jirey Cqaadir Ibraahim Magan (Cabdi Kabtan).

  • Labo askari oo ka tirsanaa Taraafikada Mukhdisho ayaa lagu toogtey jidka Maka Al-mukarama.

June 30, 2014- Agaasime waaxeed ka tirsanaa wasaarada gaadiidka Dowlada Federaalka oo lagu magacaabi jirey Mahad ayaa lagu diley qarax gaarigiisa loogu xiray oo ku qarxay xilli uu marayey degmada Shibbis ee gobolka Banaadir. 



July 03, 2014- Mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa degmada Xamar-weyne ku diley Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ka tirsanaa Barlamanka Federaalka. Isla weerarkaas waxaa lagu dhaawacay xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Coonka.

July 05, 2014- Waxaa gadood sameeyey ciidamada Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu uu yahay xerada 54-aad ee ku taalla duleedka magaalada Garoowe kadib markii muddo bilo ah aan wax mushahar ah la siin.

  • Al-shabaab ayaa qarax ismiidaamin ahaa ku weerartay xarunta Barlamanka ee Muqdisho. Weerarka waxaa ku dhintay shan qof oo isugu jirey askar iyo dad rayid ah.
  • Sidoo kale isla maalintaas Al-shabaab waxay degmada Xamar-jajab ee Muqdisho ku dishey labo askari oo ka tirsanaa ciidamada nabadgelyada wadooyinka (Taraafikada).

July 06, 2014- Waxaa Muqdisho lagu  diley Maxamed Toxob Calasoow oo ahaa guddoomiye urur dhallinyaro waxaa sidoo kale isla maalintaas Muqdisho lagu diley Colow Xasan Cismaan oo ahaa madaxii laanta labaad ee degmada Hodon.

July 07, 2014- Waxaa la shaaciyey natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee sannad-dugsiyeedkii 2013/2014 laga qaaday ardayda ka baxday dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaannada Puntland. 

July 08, 2014- Al-shabaab ayaa markii labaad intii lagu guda jirey sanadkii hore ee 2014 weerar qorsheysan kusoo qaaday xarunta madaxtooyada magaalada Muqdisho. Koox Al-shabaab ah oo ka koobneyd dhowr nin oo qaarkood is qarxiyeen ayaa madaxtooyada kasoo weeraray dhabarka dambe. Weerarka waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan toban qof oo kuwii weerarka soo qaaday ku jiraan.

Dhacdooyinka kale ee maalintaas dhacay waxaa kamid ahaa:

  • Dilka Cumar Bagadi oo horay uga tirsanaa xildhibaanada Barlamankii ku meel gaarka ahaa.
  • Mucaaradka Kenya ayaa ku baaqay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga laga soo saaro.
  • Maxamed Khalaf Aadan (Shangole) oo ahaa kabtankii ugu horreeyey xulka qaranka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku geeriyoodey.

July 09, 2014- Wareegto kasoo baxday xafiiska ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay xilka wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg oo horay u ahaan jirey taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir.

  • Ra'isal wasaarihii hore ayaa xilka ka qaaday taliyihii booliiska Gen. Cabdixakiim Daahir Saacid isagoo xilkaas u magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil , sidoo kale waxaa xilka laga qaaday agaasimihii hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Gen. Bashiir Maxamed Jaamac  waxaana si ku meel gaar ah loogu soo magacaabay xilkaas Gaashaanle sare Maxamed Cabdullaahi Xaamud.

Dhacdooyinka kale ee maalintaas dhacay waxaa kamid ahaa:

  • Wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jaamac Yuusuf ayaa Garowe ku geeriyoodey.
  • Garyaqaan lagu magacaabi jirey Cawil Xabbad ayaa lagu diley degmada Dharkeynley.
  • Dooni ganacsi oo siddey badeecooyin kala duwan oo gaaraya 1,500 oo tan taasoo kasoo baxday dalka Oman kuna soo jeedey magaalada Bosaso  ayaa ku degtey Badda Cas.

July 10, 2014- Hay'adda nabad-sugida Dowlada Federaalka ayaa soo bandhigtay nin lagu magacaabo Xasan Muxiyadiin oo kamid ahaa kooxdii Al-shabaab ee weerartay madaxtooyada.

  • Ururka Midowga Africa ayaa wakiilka Soomaaliya u fadhiyi doona usoo magacaabay Danjire Maman Sidikou, kaddib markii uu xilkaas iska casiley danjirihii hore Maxamed Saalax Anaadiif.

July 11, 2014- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hadda ah Ra'isal Wasaaraha Dowlada Federaalka ayaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Maraykanka.

  • Nin toorey ku hubeysnaa ayaa dad ku dhaawacay masjid ku yaalla magaalada Hargeysa. Weerarku wuxuu dhacay xilli dadku salaada ku jireen. Booliska oo markii dambe qabtey ninkii weerarka geystey waxay sheegeen inuu ahaa qof madaxa looga jiro.

July 12, 2014- Al-shabaab ayaa degmada Baraawe ku dishey labo nin oo ay sheegtay inay basaas ahaayeen. Labada nin oo dhallinyaro ahaa waxaa lagu kala magacaabi jirey: Siciid Xuseen Cali oo 26-jir ahaa iyo Cabdi Xasan Xuseen oo isna 19-jir ahaa.

July 14, 2014- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa warqadihii aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirkii hore ee Soomaaliya u joogey Maraykanka hadana ah Ra'isal wasaaraha dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

  • Ibraahim Axmed Faarax oo ahaa sarkaal ka tirsn hay'adda nabad sugidda Dowlada Federaalka ayaa lagu diley degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

July 15, 2014- Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa musuq maasuq iyo hanti lunsi ku eedeeyey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo  wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

  • Maxkamadda ciidamada qalabka ee Dowlada Federaalka ayaa xukun dil ah ku fulisey labo nin oo ka tirsanaa amniyaadka Al-shabaab kuwaasoo bishii April ee sanadkii hore degmada Yaaqshiid ku kufsaday dabadeedna dilay gabar lagu magacaabi jirey Nafiso Cismaan Salaad oo 20-jir ahayd.

July 16, 2014- Cabdiqaadir Cismaan Orama oo kamid ahaa qoreyaasha ugu caansan Soomaalida ayaa ku geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London.

July 17, 2014- Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ansixiyey hay'adda maalgashiga iyo horumarinta Puntland (Puntland Investment And Development  Authority) PIDA.

July 18, 2014- Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay guriga uu magaalada Kismaayo ka degen yahay Iftiin Xasan Baasto oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka ciidamada Jubaland ee ka dhanka ah Al-shabaab. Shan qof oo kii is qarxiyey ku jiro ayaa weerarkaas ku dhimatay ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen in kastoo Iftiin Xasan Baasto weerarkaas wax dhibaato ahi kasoo gaarin.

Dhacdooyinkii kale ee isla maalintaas dhacay waxaa kamid ahaa:

  • Waxaa qarax ka dhacay meel u dhow Tarabuunka Muqdisho lagu diley Cabdulaahi Ismaaciil oo ahaa sarkaalkii dhanka saadka u qaabilsanaa guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka.
  • Yuusuf Xasan Dhicisoow oo isna ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa lagu toogtey xaafada Hodon xilli uu kasoo baxayey masjid uu saalada Jimcaha kusoo tukadey.

July 23, 2014- Fannaanadii caanka ahayd ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame markii ugu dambeyseyse ahayd xildhibaanad ka tirsan Barlamanka Soomaaliya ayaa lagu diley dhabarka dambe ee Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho. Dilka Saado waxaa ka dambeeyey saddex nin oo Al-shabaab ka tirsan kuwaasoo markii dambe ciidamada nabad-sugiddu gacanta kusoo dhigeen.

  • Isla maalintaas Al-shabaab ayaa degmada Diinsoor ee gobolka Bay ku toogtey gabar yar oo 13 jir ahayd taasoo ay ku eedeeyeen inay jaasuus u ahayd Dowlada Federaalka iyo AMISOM. Cabdinaasir Maxamed Jimcaale oo ah aabaha gabadhaas dhalay ayaa u sheegay idaacada VOA in gabadhiisa dulmi lagu diley wax dembi ahna aysan gelin.

July 26, 2014- Saddex askari ayaa ku dhintay afar iyo toban kalena way ku dhaawacmeen kadib markii mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Puntland ku rogmaday agagaarka xarunta hay'adaha Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe.

July 27, 2014- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa ka badbaadey isku day dil kadib markii kolonyo uu la socdey lagu qarxiyey miino jidka dhinaciisa lagu aasay.

July 28, 2014- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa munaasabadii Ciidul Fidriga oo maalintaas ku beegnayd darteed cafis u fidaysay 120 maxbuus oo ku xukumnaa dembiyo fudud.

July 30, 2014- Heshiiska dhismaha maamulka gobolada dhexe ee loo sameynayo Galguduud iyo koonfurta Mudug ayaa lagu saxiixay Muqdisho. Heshiiska waxaa si wadajir ah u saxiixay xubno kala metelayey: Dowlada Federaalka, Galmudug, Ahlu Suna, Ximin iyo Xeeb; iyo Qaramada Midoobay.

  • Al-shabaab ayaa deegaanka Hoosingoow ku dishey haweeney lagu magacaabi jirey Farxiyo Faarax. Haweeneyda oo 50 jir ahayd waxaa lagu soo eedeeyey inay xiran weydey xijaabka.

July 31, 2014- Puntland ayaa shaacisay inay xiriirka u jartay Dowlada Federaalka Soomaaliya. Shir aan caadi ahayn oo maalintaas golaha wasiirada Puntland yeesheen waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo lagu sababeeyey go'aanka Puntland qaadatay. Arimaha Puntland qoonsatay waxaa ugu muhiimsanaa heshiiskii dhismaha maaamulka gobollada dhexe ee Muqdisho lagu saxiixay heshiiskaasoo Puntland ku tilmaantay inuu yahay mid sharci darro ah halisna ku ah jiritaankeeda. Go'aanadii Puntland gaartey waxaa kamid ahaa inay dib ugu yeeratay xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee qaybta ka ah Barlamanka Federaalka.



August 01, 2014- Xildhibaan Sheekh Aadan  Madeer oo ka tirsanaa Barlamanka Federaalka ayaa lagu diley degmaada Xamarweyne xilli uu kasoo baxayey masjidka Marwaas oo salaadii Jimcaha uu kusoo tukadey.

August 03, 2014- Madaxweynaha Puntland ayaa agaasimaha cusub ee telefishinka Puntland usoo magacaabay Cabdifataax Nuur Axmed Ashkir kaddib markii shaqada laga fariisiyey Axmed Kismaayo oo isagu muddo sanad ah xilkaas soo hayey. 

August 04, 2014- Taliyihii hore ee booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cali Xuseen (Muslim) ayaa lagu diley weerar is miidaamin ahaa oo ka dhacay irirdka hore ee xarunta booliska gobolka Bari. Weerarka oo mas'uuliyadiisa Al-shabaab sheegatay waxaa sido kale ku geeriyoodey labo askari oo lagu kala magacaabi jirey Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Cabdiqaadir Muuse Xirsi.

  • Waxaa hoggaan cusub loo doortey ururka ay ku mideysan yihiin bahda saxaafadda Puntland ee magaciisa loosoo gaabiyo MAP.

August 05, 2014- Shaqaaqo aan wax khasaare ah geysan ayaa ka dhacday magaalada Garowe kadib markii ciidamo gadoodsani la wareegeen xarunta telefishinka iyo idaacada dowlada. Xiisada oo markii dambe lagu guuleystey in si nabad ah lagu xaliyo waxay ka dhalatay xil-ka-qaadis Cabdiweli Gaas ku sameeyey mas'uuliyiin u badan saraakiil ciidan oo badankoodu kasoo jeedey gobolka Nugaal.

  • Isla maalintaas ciidamada booliska ee gobolka Nugaal ayaa saacado kooban xiray Wariye Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar) oo kamid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Boosaaso. Xariga Faadumo wuxuu salka ku hayey war ay siisay idaacada VOA oo la xiriiray shaqaaqadii ka dhacday Garowe.

August 07, 2014- Lixdan askari oo kaso goostay Somaliland kuwaasoo watey dhowr gaadiidka dagaalka ah ayaa soo gaarey deegaanada maamulka Khaatumo ka arimiyo.

August 10, 2014- Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo horay uga goostey Puntland muddooyinkii ugu dambeeyeyna ka tirsanaa Somaliland ayaa soo gaarey Garowe isagoo sheegay inuu isaga soo baxay Somaliland hadda kadibna taageeri doono Puntland.

August 11, 2014- Munaasabad ka dhacday Garowe ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay taliyihii hore ee ciidanka madaxtooyada Cumar Cabdulaahi Maxamed Faroole iyo taliyaha cusub ee Cabdiweli Gaas xilkaas usoo magacaabay Cabdirashiid Maxamuud Ashkir(Qodhob).

August 13, 2014- Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa booqasho taariikhi ah ku yimid Muqdisho waxayna la kulmeen madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha Barlamanka, ra’isul wasaaraha, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Jubaland iyo marti sharaf kale.

Kulanka arimihii ugu muhiimsanaa ee looga wada hadlay waxaa kamid ah: sugidda amniga dalka, hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, hannaanka dimuqraadiyadda iyo weliba sidii loo gaari lahaa higsiga 2016.

August 14, 2014- Cali Khaliif Galayr ayaa loo doortay madaxweynaha Maamulka Khaatumo. 

  • Isla maalintaas dibadbax rabshad wata ayaa ka dhacay degmada Laas-caanood kadib markii ay isku dhaceen ciidamada booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo jidadka isugu soo baxay si ay u muujiyaan dareenkooda iyo taageerada ay u hayaan Cali Galeyr.

August 18, 2014-  Sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtey markii la dhisay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee magaciisa loosoo gaabiyo UNSOM ayaa Garowe lagu xusay.

August 20, 2014- Waxaa soo gaba gaboobay kulan muddo labo maalmood ah xarunta madaxtooyada Garoowe uga soconayey madaxda ugu sarreysa maamulka Puntland iyo xildhibaanno kasoo jeeda deegaanada Puntland oo ka tirsan Baralmanka Soomaaliya. Kulanka waxaa lagu gorfeynayey khilaaf xilligaas soo kala dhex galay Dowlada Federaalka iyo Puntland iyo weliba tallaabooyinka Puntland la gudboon inay qaado haddii Dowalada Federaalku kasoo jawaabi weydo tabashooyinka Puntland.

  • Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu soo magacaabay Madaxa Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee  Puntland Cabdirashiid Cali Axmed.

August 28, 2014- Ciidamada Somaliland ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Saaxdheer oo 75-km dhinaca Koonfur kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. 

August 29, 2014- Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbisey dacwad la xiriirta muranka badda ee kala dhexeeya Kenya, si loo hubiyo halka uu ku eg yahay xadka badda ee uu dhexeeya labada dal.

 August 31, 2014- Al-shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xarunta ciidamada nabad sugidda ee magaalada Muqdisho (Godka Jilicow). Weerarka oo isugu jirey is-miidaamin iyo dagaal toos ah waxaa ku dhintey 11 qof oo isugu jirey askar, xubnihii weerarka soo qaaday iyo dad rayid ah.



September 01, 2014- Hoggaamiyihii hore ee  Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa lagu diley duqeyn diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku ka geysteen deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeelada Hoose.

September 06, 2014- Al-shabaab ayaa shaaciyey geerida hogaamiyehoodii hore Axmed Godane iyagoo sidoo kale sheegay in xilkaas loo magacaabay Axmed Cumar Abuu-Cubeyda.

  • Isla maalintaas Puntland ayaa soo dhoweysey guulna ku tilmaantay dilka hogaamiyihii hore ee Al-shabaab.

September 07, 2014- Golaha wasiirrada xukuumaddii kalsoonida lagala noqdey ee Ra'isal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xilka ka qaaday agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

  • Isla maalintaas ciidanka nabadsugidda Dowlada Federaalka  ayaa xiray idaacadaha Kulmiye iyo Simba oo kamid ah idaacadaha FM-ta ah ee magaalada Muqdisho ka hawlgala. Sababta labada idaacadood loo xiray ayaa la xiriirtey war ay baahiyeen oo ku saabsanaa dilka hogaamiyihii hore ee Al-shabaab.

September 08, 2014- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo horjeestey islamarkaana sharci darro ku tilmaamay go’aankii golaha wasiiradu xilka uga qaadeen agaasimahii hore ee hay'adda nabadsugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. 

  • Xil ka qaadista San-baloolshe waxay horseeday inuu sii xoogeysto dibadana usoo baxo khilaaf xilligaas ku dhex jirey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isal Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed.

September 09, 2014- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland ayaa soo saartay amar lagu kala dirayo hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

September 13, 2014- Maxamed Qaybe oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda nabad-sugidda ayaa lagu diley isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho.

September 17, 2014- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa soo saartay amar looga mamnuucayo kalluumaysatada inay dabtaan kalluunka nooca loo yaqaan Aaragoostada oo kamid ah noocayda ay badda Soomaaliya qaniga ku tahay. 

September 20, 2014- Maareeyaha hay'adda duulista iyo saadaasha hawada garoonka diyaaradaha Muqdisho Eng. Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe) ayaa isku day dil ka badbaadey.

September 21, 2014- Col. Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa loo soo magacaabay taliyaha hay'adda nabad sugidda Dowalada Federaalka kadib xil ka qaadistii San-baloolshe.

  • Xukuumadda Somaliland iyo saddexda xisbi ee mucaar

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM