Dhaqdhaqaaqa SSC oo diiradda u leexiyay dhanka Mahad Canbaashe
HARGEYSA, Somaliland - Dhaqdhaqaaqa ay garaadada hormuudka ka yihiin ee SSC iyo Khaatumo ee magaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramayaa in ay hadda diiradda u leexiyeen dhanka Col Mahad Canbaashe oo horey uga mid ahaa saraakiishii sarsare ee Somaliland, balse ku sugan gudaha magaalada Laascaanood.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalyahanada SSC ee kacdoonka shacabka ay isku hareereen guriga uu Laascaanood ka degenyahay Mahad kadib markii sida la sheegay lagu qancin waayay in uu kusoo biiro kacdoonka ama isaga baxo magaalada xilli uu ku hawlanyahay in uu kala furfuro kacdoonka, sida wararka sheegayaan.
Mahad ayaa la sheegay in uu ku doodayo in uusan wareejin karin gaadiidka dagaalka oo gurihiisa ku xaraysan, haddii uu sidaasi sameeyana ay halis galayso nafta illaa 80 nin oo tababar ugu maqan Hargeysa, kuwaas oo la sheegay in maamulka Somaliland ay afduub ahaan u haystaan si Mahad loogu rakaateeyo.
Garaadada iyo saraakiisha kale ayaa ku qanci waayay sharaxaadaas, waxayna Mahad u arkaan halista ugu weyn ee Laascaanood ku haysata kacdoonka, ayna tahay in si degdeg ah go’aan uga gaaraan.
Aqoonyahano iyo waxgarad xaaladda si hoose uga warhaya oo maalmihii lasoo dhaafay ka qeybgalayay doodo dhanka Baraha Bulshada lagu qabtay ayaa sheegay in Mahad ay iska war hayaan xildhibaan Faratoon oo mar soo noqday wasiirka arrimaha dibedda, kana mid ah ragga ay sida ay saaxiibada u yihiin madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Mahad waa ay ka tageen ciidankiisii, waxayna qeyb ka yihiin ciidanka Laascaanood difaacaya, balse weli waxaa loo arkaa halis amni oo dhabarka ka jabin karta halganka SSC.
GAROWE ONLINE