Dheemanka ugu weyn adduunka oo lagu iibiyey London

Image
Dheemankan naadirka ah oo ah mid madow ayaa la rumeysan yahay inuu ka sameysmey dhagax cirka ka soo dhacey

LONDON, Britain - "The Enigma", oo noqdey dheemanka ugu weyn adduunka oo cabirkiisu yahay 555 carats, ayaa lagu iibiiyey London Arbacadii aduun dhan $4.3 milyan xilli dhawaan la soo bandhigay markii ugu horreysay.

Dheemankan naadirka ah oo ah mid madow ayaa la rumeysan yahay inuu ka sameysmey dhagax cirka ka soo dhacey “asteroid” in ka badan 2.6 bilyan oo sano ka hor.

Xaraash ka dhacay guriga caanka ah ee la yiraahdo Sotheby ayaa lagu beeciyey dheemankan oo hadalheyntiisu ay saacadihii lasoo dhaafay ay qabsatay warbaahinta.

Dhaqan ahaan, dheemanka ayaa lagu qiimeeyaa dhal-dhalaalka iyo maqnaanshaha midabka. Nooca madow caadi ahaan looma isticmaalo dahabka waxaana inta badan loo isticmaalaa qodista warshadaha.

Sannadihii ugu dambeeyay, dhowr dheeman madow oo dabiici ah sida Black Orlov (67.5 carats), Amsterdam Diamond (33.74 carats) iyo kan hadda Enigma waxay yeesheen saameyn iyada oo la dul-dhigay qiimo badan.

Iyadoo inta badan dheemanka laga soo qodo dhagaxa gubanaya ee ka sameysan gudaha dhulka, nooca madow ayaa inta badan waxaa laga helaa qeybta kore ee dhagaxa ama dusha dhulka.

Tani waxay soo jeedinaysaa in dheemanka madow aan asal ahaan ka heli karno meel banaan ah wallow khuburo qaar ay aaminsan yihiin in laga abuuray saameynta saadaasha hawadda ama qaraxyada supernova-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM