Dhufeesyadda Somaliland ee Gooje-Cadde oo wajahaya xaalad adag

Image
Ciidamada Kacdoonka Sool ayaa saacadihii lasoo dhaafay heley gurmad ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshadda.

GAROWE, Puntland - Kadib markii ciidamada kacdoonka shacabka ee SSC ay ka saareen xeradii Guulwadayaasha ee Laascaano, ayuu Korneel Mahad Cambaashe galay difaaca ciidamada Somaliland ee Gooje-Cadde.

Mahad ayaa la sheegay in uu la baxsaday dhawr gaadiidka dagaalka ah, halka xeradii uu ka baxay loogu tagay afar gaadiid oo kuwa qoryahay ku rakibanyihiin ah iyo labo taangi oo ah kuwii dowladdii hore ee Siyaad Barre ka haray oo ay haysteen beelaha Sool dega.

Sida uu horey u tabiyay warsidahan GO, ciidamada deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku hareereysnaa Mahad kadib markii lagu qancin waayay in uu soo wareejiyo hubka uu hayo, islamarkaasna baneeyo meesha, iyada oo hadda loogu duuley talo loo dhanyahay.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in difaacyadda Gooje-Cadde ee Somaliland uu hadda qudhiisa wajahayo xaalad adag kadib markii ay dul dageen ciidamo badan oo aad u hubeysan.

Ciidamada Kacdoonka Sool ayaa saacadihii lasoo dhaafay heley gurmad ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshadda, welina la sheegayo in ciidamo kale ay kusii qulqulayaan.

Inkasta oo ay Somaliland ku dhowaaqday xabad joojin iskeed ah, haddane duqeymaha waa ay ku socdeen magaalada, taas oo keentay in shacab badan ka qaxaan Laascaano.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in uu soo wajahanyahay dagaal culus oo labada dhinac ku dhex mari doona banaanka magaalada, iyada oo Somaliland lafteeda ay soo daabuleysay ciidamo iyo hub kala duwan, lagana yaabo in ay doonayso in ay duulaan xoog leh kula wareegto gacan ku haysna Laascaano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM