Dowladda Malaysia oo mamnuucdey saacadaha S-watch
KUALA LUMPUR, Malaysia - Dalka Malaysia xirshad saacadaha qaanso roobadka waxa muteysan dontaa 3 sano xariga ah kadib markii ay dowladda dalkaas ay mamnuucdey xirshada saacadan loo yaqaano S-watch taasoo leh kalarka qaanso-roobadka kuna tilmaamtey calamada Qawma-luudka.
Xukuumadda Kuala Lumpur ayaa sheegtey qof kasta oo xiran, iibiya am soo dajiya saacadan lagu xakumi dona xarig 3 sano ah iyo ganaxa lacageed oo dhan $ 4,375.
Qawma-luudnimada waa dambi lagu mutaysan karo ganaax iyo xabsi ilaa 20 sano gudaha Malaysia, oo ah waddan Muslim ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Malaysia ayaa dadweynaha dalkaas waxa ay ku waanisay in ay ka waantoobaan falalkan.
Laamaha ammaakna Malaysia ayaa bishii may ay weerareen dukaamada S-watch lagu iibiyo, iyaagoo la wareegay 172 saacadood kuwaas oo ku yimaadda midabada qaanso roobaadka.
Swatch Malaysia ayaa ku andacootay in weeraradan ay ahaayeen kuwo sharci-darro ah, waxaana tan iyo xilligaas ay gudbisay codsi ay maxkamadda sare ku doonayso inay kaga hortagto tallaabooyinka dowladda.
Dowladaha Reer Galbeedka ayaa si weyn ugu ololeeya arrimaha Qawma-luudka iyaga oo isku-daya in ay cadaadis ku saaraan wadamadda caalamka in ay hirgeliyaan fekerkaas wallow Ummadaha Islaamka ay si weyn isaga dhiidhiyaan cadaadiska lagu saaro qaddiyaddan.
GAROWE ONLINE