Faa'idadda dhaqaale ee Soomaaliya ugu jirta xiisada Suudaan
MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadda oo iska-hor-imaadyada Suudaan iyo Ukraine ay carqaladeeyeen silsiladaha sahayda cuntada, Soomaaliya ayaa raadineysa inay ka faa'ideysato baahida cuntada sii kordheysa ee ka jirta Masar gaar ahaan qaybta xoolaha.
Iyadda oo xaaladda sugnaanta cuntada ee Masar ay noqotay arrin walaac leh, xukuumadda Qaahira ayaa si weyn waxay u goobeysaa illo kale oo ay ka hesho badarka, sarreenka, iyo xoolaha.
Xiisadda Suudaan ayaa albaabada u furtay hilibka laga keeno Soomaaliya iyo Chad si loo ilaaliyo cunnada ay helayaan muwaadiniinta Masar, sidda uu sheegay Cali Al-Moseli oo ah Wasiirka Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha Masar.
Al-Moseli ayaa hadalkiisa ku daray: "Dhibaatada Suudaan awgeed, waxaa jirta fursad ah in hilib aad u wanaagsan laga keeno Soomaaliya iyo Chad si muwaadiniinteena ay u quutaan".
Sida laga soo xigtay shirkadda maalgashiga Suudaan, ganacsiga u dhexeeya Masar iyo Suudaan, gaar ahaan xoolaha iyo wax soo saarka beeraha, ayaa kor u kacay tan iyo 2018.
Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha ay Suudaan u dhoofiso Masar ayaa hoos ugu dhacay 364 milyan oo doolar sanadkii 2020, halkii uu ka ahaa $469 milyan sannadkii 2018.
Qeybtii hore ee xagaagii 2021, dhoofinta ayaa waxay gaartey ku dhawaad 300 milyan oo doolar, iyadoo dhoofka xoolaha qiimihiisu ku dhow yahay kala bar, sidda laga soo xigtey tirokoobka.
Waxyaalaha ugu horreeya ee Soomaaliya laga dhoofiyo waxaa ka mid ah xoolaha nool, muuska, haragga, kalluunka, dhuxusha, iyo biraha qashinka ah. In ka badan 60% dadka dalka waxay ku tiirsan yihiin qaybta xoolaha cuntada iyo dakhliga.
Xiisadda Suudaan ayaa Masar waxay ku dhiirri-galisay/qasabtey in ay raadsato illo kale oo ay ka hesho cuntada dibadda laga soo dejiyo, taas oo suurtogal ah in ay kordhiso baahida loo qabo wax soo saarka xoolaha Soomaaliya sida geela, lo'da, idaha, iyo riyaha.
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa dib u soo laabtay 2021, iyadoo wax-dhoofinta guud ay gaartay %2.9, in kasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin dib u dhac ku yimid doorashooyinka, abaaraha, safmareenka COVID-19, iyo amni darada ay horseeday Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE