Faa’iidada in afar maalmood laga shaqeeyo asbuucii oo la shaaciyey
LONDON, UK - Jaamacadda Cambridge ee dalka Britain ayaa daabacday daraasad cusub oo lagu sameeyay saamaynta maalmaha kooban ee todobaadka ay ku leeyihiin shaqada iyo wax soosaarka shirkadaha.
Waxaa daraasadda ka qeybqaatay 60 shirkadood, kuwaas oo muddo dhawr bilood ah shaqaalahooda u ogolaaday in ay shaqeeyaan 4 maalmood oo kaliya todobaadkii, halkii ay shaqayn lahaayeen 5-ta maalin ee hadda sharciga ka ah inta badan dunida.
Daraasadda ayaa sheegtay in shaqaalihii ka qeybqaatay ay korortay heerkooda farxadda, shaqo wanaagga iyo firfircoonida, iyada oo shirkadahana ay heleen macaash iyo wax-soosaar ka sareeya intii hore.
Wax ka badan 2,900 shaqaale ayaa ka qeybqaatay daraasadda, kuwaas oo ka jawaabay su’aalo horey loo diyaariyay, islamarkaasna toos ula shaqeeyay cilmi-baarayaasha jaamacadda iyo Boston College oo ku yaala Maraykanka.
Boqolkiiba 71% shaqaalahan ayaa sheegay in aysan shaqada ku daalin ama ku tiir beelin, halka 60% ka mid ah ay sheegeen in ay u sahlanaatay in ay isu dheelitiraan shaqada iyo waajibaadka kale ee nolosha sida arrimaha qoyska.
Shaqaalaha shirkad kalluunka iyo baradhada duban ka shaqaysa oo lagu magacaabo Platten , kuna yaala magaalada xeebta ah ee Wells-Next-The Sea ee England ayaa sheegay in ayaad uga heleen qorshahan cusub ee shaqada afarta maalmood.
Ganacsiyada cuntada bisil waa kuwa ugu badan ee saacadaha dhaadheer ee shaqada uu dhib weyn ka haysto. Inta badan shirkadihii ka qeybqaatay daraasadda ayaa sheegay in ay sii wadayaan qorshahan cuusb ee hirgashay.
GAROWE ONLINE