Fahfaahin laga helay sidda uu u dhacay weerarkii AS ee Doolow
KISMAAYO, Jubaland - Dowladda Itoobiya oo qoraal kooban ku faafisay baraha bulshadda ayaa shaaca ka dhigtey in ciidamadeeda ay iska—caabiyeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
"Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa toogtey naftood haligeyaashii waxayna burburiyeen hubkii ay adeegsanayeen kooxda argagixisada ah," ayay tiri Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Mar sii horreysay, dad ku sugan Doolow ayaa soo sheegay in laba qarax lala beegsaday saldhig ay ciidammada Itoobiya ku lahaayeen meel ka baxsan magaalada Arbacadii, wax yar uun kadib 10-kii subaxnimo ee xilliga Soomaaliya.
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay Koontaroolka laga soo galo saldhigga, halka qaraxa labaadna uu ka dhacay meel ka fog halka uu qaraxa ka dhacay.
Muuqaal la sheegay in uu duubay qof labaad oo deegaanka ah ayaa muujinaya qiiq cad oo ka kacaya goobta uu qaraxa koowaad ka dhacay. Sida goobjoogaha uu duubay, waxaa la maqlayay dhawaqa qaraxa labaad.
Itoobiya ayaa kumannaan askari ka joogaan Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo in ay u ilaaliyaan xuduudkeeda. Ciidamadan ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.
Itoobiya ayaa sidoo kale waxay leedahay ciidamo aan ka tirsanayn Midowga Afrika oo ku salaysan heshiis laba geesood ah oo ay la gashay dowladda Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyo ilaalinta xuduudkeeda.
War qoraal ah oo ay soo saartay Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna tibaaxdey in ay u direen laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay wateen rag is-qarxiyay.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku warantay in gaarigii ugu horeeyay uu ku qarxay afaafka hore ee saldhiga, waxaana ka dhashay Khasaaro xooggan, ayna ku dhaawacmeen afar Askari.
Cismaan Nuux Xaaji oo ka mid ah saraakiisha nabad-sugidda deegaanka Soomaalida ayaa beeniyay warkaas, isagoo VOA-da u sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray askar iyo dad shacab ah, isla markaana ay ciidamadu burburiyeen gaari ka hor inta uusan gaarin saldhigga.
Saldhiga la weeraray ayaa ku yaala garoonka diyaaradaha ee magaalada. Xaaji ayaa sheegay in ujeedka gaariga uu ahaa in gudaha loo galo saldhigga iyo garoonka diyaaradaha ayna waxyeello ugu badan ka geystaan ciidamadda iyo diyaaradaha.
GAROWE ONLINE