Fayruska Covid-19 oo ka dhex-dilaacay xabsiga Guantánamo Bay
WASHINGTON, United States - Afar maxbuus oo ku xiran jeelka Guantánamo Bay ayaa waxaa laga helay Coronavirus, sidda ay sheegeen illo wareedyo ay soo xigatay majaladda afka dheer ee New York Times.
Shaqsiyaadkan ayaa lagu hayaa jeelka Camp 5 kaas oo ay ku jiraan 14 nin oo ay soo qabatay hay'adda sirdoonka dibada Ameerika ee C.I.A. intii u dhaxaysay 2002-dii ilaa 2008-dii.
Labo ka mid ah maxaabiista laga helay cudurka ayaa ku xukuman dil toogasho waxayna kala yihiin: Abd al-Rahim al-Nashiri, oo lagu eedeeyay inuu maleegayay is-qarxintii Cole ee 2000 iyo Walid bin Attash, kaas oo lagu eedeeyay inuu maleegay weeraradii Sep 11, 2001.
Labada ruux kale ayaa kala ah; Cabdil-Hadi Al-Ciraaqi oo qirtay dambi ah inuu taliye u ahaa ciidamada kacdoonka ka wada Afgaanistaan iyo Guuleed Xasan Duraan oo ah maxbuus Soomaali ah oo loo ogolaaday in loo sii daayo dal kale oo aan wadankiisa ahayn, waa haddii la heli karo.
Dadka bixiyay macluumaadka ku saabsan cudurka dillaacay midkoodna ma oggola in la aqoonsado sababtoo ah looma oggola inay ka hadlaan daryeelka caafimaadka maxaabiista, iyo sababta oo ah dabeecadda sirta ah ee xabsiga Camp 5.
Cuduro horey uga dillaacay xabsigan ayaa hakiyay shirarkii waxaana meesha ka saaray dhamaan qorshayaashii dhageysiga maxkamadda ee loo muddeeyay eedeysaneyaasha.
Maamulka xabsiga waxa uu baajiyay dhammaan kulamadii subaxii balse waxa uu oggolaaday qareennada in ay la kulmaan maxaabiista aan laga helin cudurka. Balse in la xirto maaskaro ayaa qasab ahayd.
Guantánamo Bay oo ku yaalla Cuba ayaa Mareykanka waxa uu u adeegsadaa in uu ku xiro dadka looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisadda caalamiga ah iyo kuwa lagu helo dambiga.
GAROWE ONLINE