Gabar lagu toogtey goob lagu xusayay maalinta xorriyada Soomaaliya
WASHINGTON, United States - Gabar da'yar Soomaali ah ayaa la dhigay Hennepin Healthcare ka dib markii lagu toogtay dhismo ku yaal hareeraha Lake Street iyo Pleasant Avenue magaalada New York dalka Mareykanka habeenkii Sabtida.
“Waxaan maqalnay haweeneyda oo kor ka qaylinaysa, ka dibna waxaan isku daynay inaan caawinno,” ayuu yiri Seleban Cali oo ka qaybgalay xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya.
Seleban oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Dad badan ayaa munaasabadda dabaaldegga joogay, laga yaabee 200 oo qof ama 300 oo qof".
Cali ayaa intaas ku daray in aanu maqal wax rasaas ah oo la ridayay, balse uu maqlay qaylada ka soo baxaysa dabaqa sare ee dhismaha oo ku yaala cirifka harada iyo Pleasant, kaas oo ku xidhan Mall-ka Karmel.
"[Waxay ku qaylinaysay] 'I Caawi, i caawi, wac ambalaas,' iyo qof kale [qof] ayaa ooyay," ayuu hadalkiisa sii raaciyey Saleban oo aan bixin fahfaahin intaas kasii baxsan.
Bilayska Minneapolis ayaa u sheegay WCCO markii ay ka jawaabeen dhacdadan abaare 10:30 p.m ayna heleen gabadh da' yar oo la toogtay. Ciidanka waxay xuseen in dhaawaceeda uu yahay mid nafteeda halis gelinaya.
"Waa murugo, ma fiicna," ayuu tibaaxay Saleban Cali. "Waxaan jeclahay nabadda had iyo jeer". Illaa haatan, lama ogga cidda ka dambeysay falkan iyo sababta loo beegsaday.
Booliska Minneapolis ayaa wali baaraya waxayna sheegeen in aysan jirin cid loo qabtay. Mareykanka ayaa kamid ah meelaha looga dabaaldegay todobaadka xorriyadda Soomaaliya oo ku beeganeyd maalmaha kala ah 26-ka June iyo 1-da Luulyo.
GAROWE ONLINE