Galaangalka dowladaha caalamka ee qadiyadda Laascaanood
WASHINGTON, USA - Mudaaharaadayaal Soomaali-Ameerikaan ah oo ka kala yimid gobollada dalka Maraykanka, ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda kadib saddex toddobaad oo ay dagaallo ka socdeen magaalada Laascaanood.
Ku dhawaad 200 oo Soomaali Mareykan ah oo ka kala yimid daafaha Mareykanka ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Jimcihii si ay ugu baaqaan nabad.
Sidda ay sheegeen dhakhaatiirta iyo dadka degaanka, in ka badan 100 qof ayaa ku naf-waayay dagaalka, in ka badan 500 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dibad-baxayaashu waxay sidoo kale u socdaaleen dhinaca safaaradda Djibouti ee Washington, iyagoo ku eedeeyay dalkaas inay Somaliland ka taageeraan dagaalka.
Hase ahaatee, wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa Sabtidii wareysi uu siiyey Idaacadda VOA waxa uu ku beeniyay in dalkiisu ku lug leeyahay colaadda.
"Kuwa eedeynta jeedinaya ma haystaan caddaymo ay ku caddeeyaan, qoriga keliya ee Djibouti ee Soomaaliya joogana waa kuwa ku jira gacanta askarteenna Hill Walal," ayuu yidhi Dawaleh, isaga oo ka hadlayay askarta Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya oo qayb ka ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Dibadbaxa ka dhacay magaaladda Washington ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu joojinayo dagaalka kuwaasoo ka kala imaanaya darafyo kala duwan.
Qaramadda Midoobay iyo safaaradaha kale ee Soomaaliya ku sugan oo ay ku jirto safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan colaada oo ay wada xaajood ku dhameeyaan khilaafkooda, si la mid ah dowladda Soomaaliya.
“23-kii February, Wefti ka socda Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo uu hoggaaminayo Sii-hayaha Safaaradda Tim Trenkle ayaa booqasho ku ku tagay Hargeysa [Caasimadda Somaliland] si ay ula kulmaan madaxda Somaliland, wakiillada bulshada rayidka ah iyo madaxda dhallinyarada oo ay kala hadleen amniga, barwaaqada iyo dimuqraadiyadda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho 23-kii Febraayo.
Qoraalka ayaa la raaciyey: "Weftiga waxa qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Wakiilka waxa uu ku celiyay baaqii Maraykanka iyo beesha caalamka ee ahaa xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah oo laga sameeyo Laascaanood, waxaanu cambaareeyey khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee soo gaadhay".
Mareykanka ayaa waxa uu kamid yahay dowladaha saameynta ugu xooggan ku leh arrimaha Soomaaliya gaar ahaana si dhow ula socda qadiyadda Laascaanood kuna baraarujinaya dhinacyadda in ay gaaraan xal aan ahayn qoriga caaradiisa.
GAROWE ONLINE