Gudoomiyihii astaanta u ahaa iska-caabinta Al-Shabaab oo la eryay

Image
Mas'uuliyadii uu haayay Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa lagu wareejiyay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo digreeto soo saarey ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Sidda ku xusan wareegtadda, Guudlaawe ayaa talaabada waxa uu qaadey ka gadaal markii uu tixgeliyay talo-soojeedinta madaxwayne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed.

Gudoomiyaha cusub, Mr Sufurow, ayuu ku dhiirageliyay in uu kasoo dhalaalo waajibaadkiisa isla markaana uu sida ugu dhaqsiyaha badna ula wareegto waajibaadkiisa.

Mas'uulka xilka laga qaadey, Mr Jayte, ayaa waxa uu astaan u ahaa la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab gaar ahaan howlgaladda waqti-xaadirkan ka soconaya qeybo kamid ah waddanka.

Bishii hore, Jayte ayaa waxa uu muujiyey in ay jirto kala aragti-duwanaanshiyo ka taagan gulufka cusub ee ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo ay diyaar-garowgiisa waddo dowladda federaalka ah.

Wareysi uu siiyey Barnaamijka Galka Baarista ee laanta afka Soomaaliga Idaacadda VOA-da ayuu ku caddeeyay in khilaafkaas uu salka ku hayo cidda qaadaneysa hogaaminta - shacabka ama dowladda federaalka.

Jayte ayaa 7-dii May, 2023 waxa uu ku dhawaaqay in la mamnuucay gaadiidka sida raashiinka ama shidaalka in ay u safraan deegaannada ay Al-Shabaab ka taliyaan ee ku teedsan webiga Shabeelle.

Illaa iyo waqti-xaadirkan, Jayte ayaan ka hadlin mowqifkiisa ku wajahan xil ka qaadidan. Isku-dayo kala duwan oo khadka telefoonka ah oo lala sameeyay ayaan guuleysan.

Talaabadan ayaa timid xilli ciidamada dowladda Soomaaliya, dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka ay waddaan olole milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo bilooyinkii lasoo dhaafay xooggiisa uu ka socday gobollada dhexe isla markaana lagu xorreeyay dhul ballaaran.

Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in xil ka qaadida Jayte ay dhaawac u geysan karto ololaha la dagaalanka Al-Shabaab waxaana ay daliil uga dhigteen gaabiska uu howlgalku galay tan iyo markii is-maan-dhaafka uu soo ifbaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM