Guudlaawe oo ka hadlay qorshaha wajiga labaad ee gulufka Al-Shabaab
JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 63-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobolada Koofureed ee Soomaaliya ka xoroobeen gumaystihii Talyaaniga iyo Israacii Gobolada Waqooyi iyo kuwa koonfur ee Soomaaliya.
Xafladda oo ka dhacday magaaladda Jowhar ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Gudoomiye Ku Xigeenkiisa Baarlamaanka Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo kan degmada Jowhar, Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Masuuliyiin kale.
Guudlaawe oo ka hadlay goobta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay qiimaha ay leedahay habeenkaan wayn ee 1-da Luulyo, isagoo sheegay in rag dhalinyara ah ay naftooda u hureen gobanimada aynu maanta haysano loona baahan yahay rag dhalinyaradaas la mid noqda oo dalkeenna ka xoreeya khawaarijta caadeysatay daadinta dhiiga shacabka.
Guulo waaweyn oo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada Hirshabeelle ayuu xusay in laga gaaray dagaaladii lala galay Al-Shabaab oo ay xor yihiin dhamaan deegaanada dhaca bariga Hirshabeelle dhowaana wajiga 2-aad ee howlgalada laga bilaabi doono deegaanada dhaca galbeedlka Hirshabeelle.
Degmooyinka Buulo burde, Maxaas, Moqokori, Aadan-yabaal iyo Cali Gaduud ayuu tibaaxay ka bilowdeen qorshaha xasilinta ee lagu horumarinayo deegaanadaas iyagoo heli doono xarumo waxbarasho, cusbitaal, Xarunta Maamulka, Saldhig iyo Nalalka soolarka si bilicda Magaalooyinkaas sare loogu qaado.
Doorashooyin toos ah oo bulshada loogu dhoweynayo awooda si ay u xushaan hogaankooda ayuu caddeeyay in la aadayo, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool degmooyinka Hirshabeelle inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan hirgalinta doorashooyinkaas. Ugu dambeyn Calanka Jamhuuriyadda ayuu saarey saaray 12-kii saq-dhexe.
GAROWE ONLINE