Hal sano kadib, saameynta dagaalka Ukraine ku yeeshay Soomaaliya
NAIROBI, Kenya - Hal sano ka dib markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, Soomaaliya oo ku tiirsan gargaarka bini'aadantinimada ayaa weli laga dareemayaa saameeynta ka dhalatay dagaalkan.
Saameynta ugu ballaaran ayaa laga dareemayaa sare u kaca qiimaha sarreenka iyo abaarta gobolka ee daba dheeraatay taasoo malaayiin qof halis u gelisay gaajo iyo barakac.
Sida ay sheegeen ganacsatada suuqyada waaweyn ee Soomaaliya, qiimaha dambiisha cuntada gudaha ayaa kordhay 49 boqolkiiba 12-kii bilood ee la soo dhaafay.
Qiimaha shidaalka ayaa ku dhawaad laba jibaarmay, iyadda oo uu kordhay 92 boqolkiiba marka loo eego sanad ka hor, sidda laga soo xigtey ganacsatadda batroolka suuqyadda Soomaaliya.
Shoki Xayir, oo bare ka ah Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho, isla markaana ah cilmi baare colaadeed, ayaa VOA-da u sheegtay in dagaalka Ruushka ee Ukraine uu Soomaaliya ka jaray mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee cuntada caalamiga ah.
"Soomaaliya waxay ka heli jirtay in ka badan 90% miraha ay ka hesho Ukraine iyo Ruushka dagaalka ka hor iyo tan iyo markii ay la soo derseen cunto yari xilli adag, xilligaasi oo kumannaan qof ay qarka u saaran yihiin macaluul, duniduna ay si weyn diiradda u saartay Ukraine," ayuu yiri.
Toddobaadkii hore, shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin hoos u dhaca taageerada bini'aadantinimo maadaama deeq-bixiyeyaasha ku mashquuleen Ukraine.
Howlwadeenada gaarka ayaa xusay xasaradaha badan ee adduunka sidda colaada Ukraine oo u baahan taageero bini'aadinimo, ay hoos u dhigtay ka jawaabida lacagta ay dalbatay Soomaaliya.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ayaa dhawaan codsaday 2.6 bilyan oo doolar si loogu caawiyo ilaa 7.6 milyan oo qof sanadka 2023-ka.
Baaqan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa iyadoo laga digayo in macluushu ay suurtogal tahay haddii roobabka guga ay si hoose u da'aan iyo haddii aan gargaarka bani'aadanimo aanan la joogteyn.
GAROWE ONLINE