Halista caafimaad ee ku gadaaman Kaniiniga paracetamol-ka
MUQDISHO, Soomaaliya - Kaniiniga pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka gaar ahaan Soomaaliya.
Soomaaliya lama hayo tirokoob sax ah. Balse, Mareykanka, waxaa sanadkii la iibiyaa ilaa 49,000 oo tan oo 298 xabo kusoo aadeyso qofkiiba sanadkii.
Halis caafimaad ma leeyahay?
Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.
Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.
Kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo, sidda ku cad cilmi-baaris laga sameeyay gudaha Mareykanka iyo Ingiriiska.
Saameyn ku leeyahay caruurta?
Carruurta ay da'doodu u dhaxeyso 2 ilaa 11, ayaa xaddiga paracetamol-ku wuxuu ku xiran yahay miisaankooda (55 ilaa 75 mg maalintii ayaa loo xisaabinayaa calaa kiilo miisaanka ilmaha).
Kuwa ka yar 2 sano, waxaa mar walba wanaagsan in dhaqtar aad kala tashato kahor inta aadan dawo siinin.
GAROWE ONLINE