Haweeney 30-sano xabsi loogu xukumay qoraalo ay dhigtey Twitter
RIYADH, Saudi Arabia - Haweeney Sacuudiyaan ah ayaa lagu xukumay in ka badan 30 sano oo xarig ah, kadib markii ay si qarsoodi ah Twitter-ka ugu qortay arrimo ku saabsan maxaabiis siyaasadeed, xuquuqda haweenka iyo shaqo la’aanta, sida ay Middle East Eye u sheegtay kooxda u dooda xuquuqda haweenka ee fadhigeedu yahay UK.
Fatima al-Shawarbi, oo ka soo jeedda gobolka Al-Axsa, lana rumeysan yahay in ay ka yar tahay 30-sano jir, ayaa waxaa xukuntay Maxkamadda Khaaska ah ee Dambiyada (SCC) intii lagu guda jiray dhageysiga rafcaanka, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga u sheegeen wargeyska Alqst.
Sidda laga soo xigtey warbixinada laga helay qoyskeeda, illo wareedyo iyo kooxaha xuquuqda aadanaha, maxkamaddu waxay sidoo kale ku xukuntay 30 sano iyo lix bilood oo musaafuris ah.
Shawarbi ayaa lagu soo waramayaa inay adeegsatay akoonkeeda Twitterka oo aan magaceeda la sheegin si ay u muujiso dhibaatada Howeitat - oo ah qabiilka xubnahooda si qasab ah loogu barakiciyey sababo ku aadan mashruuca Neom iyo xuquuqda haweenka, iyadoo ku baaqday in la sameeyo boqortooyo dastuuri ah.
Ilo wareedyo aan magacyadooda la shaacin ayaa wargeyska Alqst u sheegay in Shawarbi la xiray Noofambar 2020 waxaana la rumeysan yahay in maxkamadda SCC ay xukuntay horaantii sanadkan.
Shawarbi ayaa ah qofkii ugu dambeeyay ee Sucuudiyaan ah ee lagu xukumo xukun dheer kadib qoraalo uu soo dhigay baraha bulshada iyo in ay dhaleeceysay hogaanka talada haya.
Dhaqdhaqaaqan ayaa billowday bishii Agoosto ee la soo dhaafay iyada oo ardaydad u sharaxan PhD Salma Shehab lagu xukumay 34 sano oo xarig ah iyo 34 sano oo xayiraad dhanka socdaalka ah, markii dambana laga dhigay 27 sano.
Sababta ay xukunkaas ku muteysatay ayaa ah taageero ay u muujisay xuquuqda haweenku u leeyihiin in ay baabuur wataan iyo in ay ku baaqaan in la sii daayo saaxiibadooda xabsiga loo taxaabay.
Nourah al-Qahtani, oo ah hooyo leh shan carruur dhashay, ayaa toddobaad kadib lagu xukumay 45 sano oo xarig ah, ka dib markii ay Twitter-ka soo dhigtay qoraalo ay ugu ololeyneyso xuquuqda haweenka. Al-Qahtani ayaa adeegsatay laba akoon oo aan la garanayn. Hase ahaatee, illaa hadda wali ma cadda qaabka lagu aqoonsadey laguna soo qabtey.
GAROWE ONLINE