In ka badan 40 qof oo lagu dilay Soomaaliya labo casho gudaheeda

Image
Dadkan ayaa geeriyoodey weeraro iyo qaraxyo ay ka dambeysay maleyshiyadda Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay Arbacadii labo baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu qarxiyay bannaanka xerada tababarka ciidamadda ee magaalada Baardheere ee koonfurta Soomaaliya.

Cismaan Nuux Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ee dhinaca ammaanka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida aysan ku guuleysan falkan.

Guddoomiyaha degmada Baardheere, Maxamed Wali Yuusuf oo wareysi siiyay VOA-da, ayaa xusay in ciidamada ammaanka ee gobolka ay sidoo kale ka hortageen baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in la geeyo xeradii ay ku qornaayeen askarta.

"Waxaan haynay digniino amni oo ku saabsan weeraro suurtagal ah, taasina waxay naga caawisay inaan fashilinno weerarrada oo aan ka hortagno in baabuurta is-miidaamiyeyaashu ay gaaraan bartilmaameedmkooda," ayuu yiri Yuusuf. "Iyaga [maleeshiyada] waxay ku dhowaayeen saldhigga, laakiin si sax ah uma aysan dhicin."

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna tibaaxdey inay la beegsadeen xeradaas “maadaama ay halkaas ku shirayeen saraakiil Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira". Maamulka gobolka ayaa beeniyay sheegashada.

Bishii Maarso, weerar kan la mid ah oo baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qaaday guriga martida ee gobolka ayaa waxaa ku dhintay askar badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen.

Baardheere waa magaalo istaraatiiji ah oo beeralay ah oo qiyaastii 450 KM dhanka koonfureed kaga beegan Muqdisho. Waxay ku taallaa meel u dhow gobolka Jubbada Dhexe, oo ah goobta kaliya ee Soomaaliya ay si buuxda uga taliso Al-Shabaab.

Weerarka Arbacadii ayaa ku soo beegmay maalin kadib rabshado ka dhacay xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garoweiyo qaraxyo bambaano oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka oo ay ku dhinteen ugu yaraan 36 qof, wadartooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM