Injineer 20 sano ku xirnaa Guantanamo Bay oo lagu celiyey Sacuudiga
WASHINGTON, USA - Ciidamada Mareykanka ayaa Arbacadii dib u celiyay Injineer Sacuudiyaan ah oo wax ku bartay dalka Mareykanka, kaasoo in ka badan 20 sano lagu hayay xabsiga weyn ee Guantanamo Bay.
Sidda laga soo xigtey warbixin ay daabacdey Majaladda New York Times, maxbuuskan ayaa looga shakiyay inuu bambaanooyin u sameeyay Al Qaacida, balse waligiis maxkamad lama soo taagin.
Wareejinta maxbuuska Ghassan Abdullah al-Sharbi, oo 48 jir ah, ayaa waxaa ogolaaday bishii Sebtembar Xoghayaha Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka, Lloyd J. Austin III.
Ansixinta ayaa ka dambeysay ka dib bilo dadaal diblomaasiyadeed oo uu waday maamulka Biden balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira saraakiisha Mareykanka oo diiday in ay sharaxaan.
Dib u celintan ayaa hoos u dhigtay tirada maxaabiista ku xiran xabsiga ciidamada Mareykanka ee Cuba toosoo wadar ahaan haatan la aaminsan yahay in ay gaareyso 31 nin.
Sidda ku xusan xogta, 17 ka mid ah raggaas ayaa loo ogolaaday in dib u dejin ama dib u celin loo sameeyo ka dib markii heshiisyo dhanka ammaanka ah lala galay wadamada doonaya in la geeyo.
Al-Sharbi ayaa si gaar ah waxaana u daneynayey Maraykanka kadib weeraradii Sebtembar 11, 2001 "maadaama dugsi duulimaad oo ku yaal magaalada Phoenix wax kula bartey labo ka mid ah dableyda".
Latuhunsanahan ayaa waxa uu ku noolaa qaaradda Yurub iyo gudaha Maraykanka, halkaas oo uu ka dhigtay Embry-Riddle Aeronautical University ee Arizona. Dib-u-celinta ayaan ka dhigneyn xorriyad dhameystiran.
GAROWE ONLINE