Israa'iil oo dishay 195 Falastiiniyiin ah tan iyo bilowgii sanadkan 2023

Image
Ugu yaraan 27 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu waramay in dhankooda lagu khaarijiyey weeraro kala duwan isla muddadaas.

DOOXA, Qadar - Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa rasaas ku furay gaari marayey Daanta Galbeed ee la haysto, isagoo dhaawacay saddex Israa’iiliyiin ah oo ay ku jiraan labo gabdhood, sida ay sheegeen maamulka Israa’iil.

"Eedeysanaha ayaa ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay, balse markii dambe ayaa gacanta lagu dhigay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamadda Yahuuda.

War-saxaafadeedka ayaa waxa uu intaas ku daray in gaariga ay rasaas lagu furay uu marayay nawaaxiga ku dhow koontaroolka Tekoa, oo ku dhow magaalada Beytlaxam maalintii Axadda.

Ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u galay magaalada Beytlaxam waxayna gacanta ku dhigeen ninka la tuhunsan yahay inuu hubeysnaa iyo labo kale oo laga shakisan yahay.

Sidda ay ku warantey saxaafadda, ciidanka ayaa waxa ay sidoo kale ay lasoo wareegeen gaariga looga shakisan yahay in uu dableyga saarnaa, kaasi oo uu ku jiray qoriga loo yaqaano M16.

Ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Haitham Al-Hadri, oo ah Agaasimaha Isbitaalka Dowladda ee Beit Jala, ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Maxaliga ee MAAN in dadka dhaawaca ah ee Isbitaalka soo gaaray ay dhamaantood qabaan dhaawacyo fudud.

Dhowr kooxood oo siyaasadeed Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in toogashadu ay ka dhigan tahay "jawaabta dabiiciga ah ee dembiyada qabsashada Israa'iil iyo xaqiijinta sii socoshada iskahorimaadka".

Xiisada ayaa cirka isku shareertay bilihii lasoo dhaafay guud ahaan Daanta Galbeed ee la haysto ka gadaal markii xilli habeenimo ku dhow ay ciidamada Israa’iil gudaha u galeen magaalooyinka Falastiiniyiinta.

Dagaalkaas ayaa waxaa lagu waramay in uu dhaliyay isku-dhacii ugu xumaa ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ku dhexmara Daanta Galbeed ku dhawaad ​​labaatan sano.

Ku dhawaad ​​195 falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israa’iil dileen tan iyo bilowgii sanadkan 2023-ka, sidda ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin. Ugu yaraan 27 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weeraro kala duwan isla muddadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM