Israa'iil oo talaabo u qaadey xiriir ay la yeelato Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Yahuuda, Eli Cohen, ayaa ka shaqeynaya sidii uu maamulkiisa cilaaqaad ula yeelan lahaa wadamada ay kamid tahay Soomaaliya, sidda laga soo xigtey Israel Hayom.
Wadamada kale ee liiska ku jira waxaa kamid ah Mauritania, Niger iyo Indonesia. Qorshahan waxaa lagu balaarinayaa mashruuca loogu magacdaray Abraham Accords ee Israa'iil ay hirgelisay 2020-kii.
Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco ayaa ahaa dalalkii ugu horeeyay ee saxiixay heshiiskaas uu garwadeenka ka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.
Sida laga soo xigtey warbixinta, Cohen ayaa fulinta qorshaha cusub ee lagu balaarinayo heshiiskaas waxa uu u kaashanayaa dhigiisa Ameerika, Antony Blinken, iyo lataliyaha amniga qaranka Mareykanka, Jake Sullivan.
Ra'iisul Wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale waxa uu kamid yahay darafyadda gadaal ka riixaya qorshahan isla markaana uu labo-jibaaray dadaalkiisa tan iyo markii dib oo doortey.
"Netanyahu waxa uu bishii hore rajo ka qabay in uu soo celin doono xiriirka Sacuudi Carabiya balse Riyadh waxay ku celcelisay in talaabadaas ay qaadi karto marka uu yimaado heshiis ay la gasho Falastiin," ayay ku dartey warbixinta.
Soomaaliya iyo Israa'iil ayaan wali horey u yeelan wax xiriir diblumaasiyadeed ah. Tani waxay ka dhigan tahay in Muqdisho ay ka duwan tahay dalalka kale ee Tel Aviv ay isha ku hayso.
Majaladda Al-Monitor ay afhayeenka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxay kasoo xigatay in dowladda federaalka ay bishii Julaayo diyaar u ahayd in ay baarlamaanka ka talogeliso xiriir ay la yeelato Israa'ii.
Goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya kaga taallo aduunka oo ah bartamaha Badda Cas iyo Gacanka Carabta ayaa usoo jiidaysa danaha dowlado badan sidda Israa'iil oo sanadihii ugu dambeeyay isku-balaarineysay Afrika.
GAROWE ONLINE