Barbados: Jamhuuriyada cusub ee kusoo biirtay dunida
BRIDGETOWN, Barbados - Jamhuuriyadda Barbados ayaa si rasmi ah xilka uga xayuubisay boqorada Elizabeth II oo madax ka ahayd waxayna noqotay jamhuuriyadda cusub ee aduunka.
Xaflad habeen hore ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Bridgetown ayaa haweenayda lagu magacaabo Dame Sandra Mason waxaa loogu dhaariyay xilka madaxweynaha.
Amiirka Wales iyo Fanaanada Barbadiyaanka ah ee Rihanna ayaa kasoo qaybgashay xafladan oo u muuqatay in lagu soo beegay sanadguuradii 55aad ee xornimada dalka.
Intii munaaasabadda socotay, madaxdda jamhuuriyaddan ayaa fanaanadda Rihanna waxay u aqoonsadeen in ay tahay halyeey Qaran. Rihanna waxay kamid ahayd marti sharafta VIP-ga ah.
Khudbad uu munaasabadda ka jeediyay, Amiir Charles ayaa wuxuu ku qiray "xasuuska foosha xun ee addoonsiga" ee jasiiradda Kariibiyaanka soo gaartay.
Waaga cusub ee Barbados waxa uu soo afjarayaa saamaynta qarniyo badan kaga imaaneysay Britain, oo ay ku jiraan in ka badan 200 oo sano markaas oo jasiiraddu xuddun u ahayd ka ganacsiga addoonsiga.
Si loo caddeeyo isbeddelka rasmiga ah ee awoodda, salaan kama dambays ah ayaa loo sameeyay boqortooyadii Ingiriiska waxaana hoos loo dhigay oo la beddelay calanka Standard Standard.
Barbados ayaa ku dhawaaqday qorshaheeda inay noqoto jamhuuriyad sannadkii hore, laakiin waxay ku sii jiri doontaa Commonwealth oo ah urur ay ku mideysan yihiin dalalka ay UK gumeysatay.
GAROWE ONLINE