Kenya: Tuulooyin haawanaya kadib weerar ay ka geysatay Al-Shabaab

Image
Ugu yaraan 30 nin oo hubaysan oo ku labisan dareeska ciidamada ayaa la sheegay in ay fuliyeen weerarkan.

NAIROBI, Kenya - Boqolaal ka mid ah dadka ku nool deegaanka Lamu ee dalka Kenya ayaa isaga cararay guryahoodii ka dib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen laba tuulo oo Sabtidii la soo dhaafay ay ku dileen shan qof.

Kadib weerarkii habeenimadii Sabtida, rasaas ayaa laga maqlay Tuulada Juhudi ee Gobolka Lamu galabnimadii Isniinta. Falkan waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro aan la cayimin.

Eunice Njoroge waa kaaliyaha madaxa tuulada Majembeni ee ismaamulka Lamu. Waxay ka mid tahay saraakiisha dowladda ee booqday tuulooyinka Juxudi iyo Salama, halkaasoo shan ruux ay ku dileen rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii weerarka ku soo qaaday keymaha ku teedsan tuulooyinkaasi, waxa ayna dadka deegaanka u xaqiijiyeen in ay badqabaan.

Ugu yaraan 30 nin oo hubaysan oo ku labisan dareeska ciidamada iyo saroogas ayaa habeenkii Sabtida weerar ku qaaday labada tuulo ee gobolka Lamu. Stephen Mureithi oo 39 jir ah ayaa weerarka ku waayay adeerkiis Peter Mureithi.

Weeraro Argagixiso oo ka dhacay ismaamulka Lamu gaar ahaan deegaanada ku dhow keymaha ayaa waxa ay galaafteen tobanaan ruux muddo tobonaan sano ee lasoo dhaafay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo horleh waxa ay ka waday dalka Kenya tan iyo markii ay ciidamadooda u soo direen Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM sannadkii 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM