Kiiska loo haystay ajaaniib ay ceyrisay Soomaaliya oo la shaaciyey

Image
Labadan nin u kala dhashay Poland iyo Jarmalka ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Midowga Yurub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay labo ka mid ah shaqaalaha Midowga Yurub oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah sawiro uga qaadeen maxaabiis ku jirtay xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee Muqdisho, sidda ay ku warantay VOA Somali.

War kooban oo uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo soo xigtey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii ay heshay codsi ka yimid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, kaasoo ahaa in dalka laga saaro labadaasi nin.

Wasaaraddu waxay magacyadooda ku sheegtay Jacek Jozef Ochman oo Poland u dhashay iyo Ralf Bernhard Gehlig oo Jarmal ah, waxaanay ku eedaysay inay ku xad-gudbeen shuruucda iyo xeerarka dalka.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Isla warkaas kooban, dowladda waxay ku guuldareystay in ay ku caddeyso dambiga ay galeen ajaaniibtaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay Midowga Yurub in raggaasi laga soo saaro Soomaaliya muddo 72 saac gudahood ah. Balse, macluumaadka ayaa muujinaya inay dalka ka dhoofeen Talaadadii.

Labadan qof ayaa u shaqaynayay Hawlgalka Kobcinta Awooda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia), sidda laga soo xigtey warbixinta oo lagu soo xigtey dad xog-ogaal ah.

Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyey in ceyrintan ay la xiriirto qabashadda doomo laga leeyahay Iran iyo 36 kalluumeysato ah oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya. Inta badan kalluumeysatada ayaa u dhashay dalka Iran, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Warqad uu xeer-ilaaliye Sulaymaan u diray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Jaamac ayaa caddeyneysa in Ochman iyo Gehlig ay 30-kii Abriil ku booqdeen maxaabiista xabsiga lagu hayo oo ay leeyihiin booliiska badda Soomaaliya kuna dhex-yaalla aagga garoonka diyaaradaha Muqdisho "si qarsoodi ahna ay sawirro kasoo qaadeen maxaabiista".

"Waa dambi in sawiro qarsoodi ah laga qaado maxaabiista ku jirta xarumaha amniga waxayna waxyeelo u geysaneysaa sumcadda iyo karaamada qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in falka lagu qaaday sawirada si qarsoodi ah uu jabiyay xeerka ciqaabta Soomaaliya. "Ochman oo hogaaminayey kooxda EU-da ee booqatay xabsiga uu dalbaday sawirada, Gehligna wuu qaatay," ayay warqadda raacisay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu ka codsaday in raggaasi laga saaro Somaliya, maadaama ay heystaan ​​xasaanad, isla-markaana aan lagu soo oogi karin dambi.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xeer ilaaliyaha guud oo xiriiro la sameeyay si ay wax uga weydiiyaan arrinkan ayaa ka jawaabin telefoonadda ama codsiyadda faallooyinka.

Bishii Maarso, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Balluuga ee Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegtay in maraakiib shisheeye ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo 2023.

Wasaaraddu ma aysan xusin dalalka laga leeyahay maraakiibtaasi, balse waxay caddeysay inaysan wax heshiisyo ah iyo ruqsad ka haysan dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa waxay tibaaxdey in kalluumeysiga sharci darrada ah uu “khatar weyn ku yahay” kalluunka Soomaaliya, haqab-beelka cuntada iyo deegaanka badda. Dhammaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysta xeebaha dalka ayay ku boorisay inay isaga baxaan badda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM