Laba qodob ka ogow heshiis lagu badinayo tirada askarta Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyadda ayaa waxay isku raaceen in la kordhiyo tiradda ciidamada qalabka sida iyo booliiska si loo daboolo baahiyaha dhanka ammaanka ah.
Saraakiisha dhinaca ammaanka dowladda ayaa xusay in heshiiskan cusub uu yahay mid lagu diyaarinayo ciidamada xoogga dalka "si ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan ciidamada Midowga Afrika".
"Dowladda Soomaaliya waxay xoogga saaraysaa sidii mas'uuliyadaha amniga looga wareejin lahaa ATMIS (Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya) oo dalka ka jiray wax ka yar 15 sano," ayuu VOA-da u sheegay Kamaal Daahir Xasan Guutaale, oo ah la taliyaha amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre.
Bartilmaameedka heshiiska
Wuxuu raaciyey: "Bartilmaameedka ayaa ah in December 2024 askariga ugu dambeeya ee AU uu dalka ka baxo. Tani waxay muhiim u tahay in Soomaaliya ay ka soo baxdo mas’uuliyadeeda amniga".
Guutaale ayaa intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee ka tirsan gobollada ay u adeegsan doonaan xasilinta iyo haynta meelaha lagala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab.
Heshiiska oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa waxa uu kusoo hagaagay xilli ciidamada howlgalka ku meelgaarka ah ee ururka Midowga Afrika ay dalka ka baxayaan dhamaadka sanadka soo socda.
Tirada ciidamada la gaarsiinayo
Hogaamiyayaasha Soomaaliya ayaa isku raacay in tirada ciidamada qalabka sida ee qaranka ay noqdaan ugu yaraan 30,000 oo askari iyo ugu yaraan 40,000 oo boolis ah, sida ku cad heshiiska oo uu arkay Garowe Online.
"Qaab-dhismeedka ammaanka qaranka" ayaa waxaa qalinka ku duugay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka todobaadkii hore.
Madaxda maamul goboleedka Puntland ayaan ka qeyb galin shirkii ka dhacay caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo intii u dhaxeysay 15-kii ilaa 17-kii bishii March.
Bishii Janaayo, madaxda Puntland waxay sheegeen inay arrimahooda u maamuli doonaan sida "dawlad madax-bannaan" illaa laga dhamaystirayo dastuurka qabyadda ah federaalka kuna eedeeyay Villa Soomaaliya "awood maroorsi".
GAROWE ONLINE