Lacagta uu Mareykanka sanadkii ku bixiyo saadka ciidanka Danab
WASHINGTON, USA - Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku bixisa $80 milyan sanadkii si ay u tababarto, u qalabeyso, u quudiso, shidaalka iyo in ay siiso $300 oo gunno ah bishiiba ciidamada Danab, sidda ay shaaca ka dhigeen saraakiil.
Saraakiishan oo ay soo xigatay majaladda afka dheer ee The New York Times ayaa ka tirsan safaaradda Ameerikaanka ee Muqdisho. Hase ahaatee, magacyadooda laguma xusin warbixinta.
Qaar ka mid ah dadka dhaleeceeya oo lagu soo hadal-qaadin warbixinta ayaa sheegaya in howlgaladda socda ka dhanka ah Al-Shabab ay aad ugu tiirsan yihiin Danab, guutada ugu kartida badan ee militariga Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa xudun u ah dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada ee Mareykanka kaas oo ku yaraaday meelaha kale ee aduunka sida Yemen, Liibiya iyo deegaanada Qabaa’ilka Pakistan oo duqeymaha Mareykanka ay hoos u dhigeen khatarta.
Sanadkii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay illaa 20 weerar oo xagga cirka ah, taasoo hoos uga dhacday 63 howgalo cirka ah oo ay fuliyeen xagaagii kasii horeeyay ee 2019.
Ku dhawaad dhammaan weerarradii sanadkii la soo dhaafay, si kastaba ha ahaatee, waxay ahaayeen "kuwa is-difaac wadajir ah" oo ay qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo dhigooda Ameerikaanka.
Bishii May ee la soo dhaafay 2022-kii, Soomaaliya waxay dooratay Madaxweyne cusub, Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna xilkaas hayay sannadihii 2012 ilaa 2017.
Tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday, wuxuu ku dhawaaqay dagaal dhan walba ah oo ka dhan ah Al Shabaab, isagoo wacad ku maray inuu xaddidi doono maleyshiyadda, isla markaana uu ka jari doono awooddooda.
Saraakiisha sirdoonka ayaa qiyaasaya in kooxdu ay leedahay qiyaastii 7,000 ilaa 12,000 oo xubnood iyo dakhliga sanadlaha ah - oo ay ku jiraan canshuuraha ama baadda dadka rayidka ah - oo qiyaastii dhan $120 milyan.
Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya. Maleyshiyadda waxay fulisaa weeraro ay ku beegsato xarumaha muhiimka ah, waxaana ugu dambeeyay 1-dii Febraayo.
Weerarkan oo ay u adeegsadeen hoobiye 82 milimitir ah uu ku dhacay darbi ku dheggan daaqadda, qalcad u eg safaaradda Mareykanka, halkaasoo ay ku dhaawacmeen afar qof. Sidoo kale, weerarada qaar ayay la eegtaan xafiisyada sarre madaxtooyada.
GAROWE ONLINE