Madaxda Soomaaliya oo muddo xileedkooda ka dhigtey shan sano
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah ayaa waxay ku heshiisyeen jadwalka doorasho oo mideysan, sidda ku xusan war-murtiyeedka kasoo baxay shirkooda magaaladda Muqdisho.
Sidda ku xusan lifaaqa war-murtiyeedka oo uu arkay Garowe Online, doorashooyinka qaranka ee heerarka federaal iyo maamulada waxaa la isku-raacay in la qabto shantii sanaba mar.
War-murtiyeedkan xasaasiga ah waxa uu kasoo baxay shirkii madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Uqdisho intii u dhaxeysay 24-27 May, 2023.
Shirkan uu guddoomiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiradda lagu saarey arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka, deyn-cafinta iyo fulinta heshiisyaddii hore.
Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee guud ahaan dowlad goboleedyadda ayaa loo qorsheeyay 30-ka Juunyo 2024, iyada oo doorashooyinka aqalka wakiilada ee maamulada, Madaxweynaha, iyo Ku-xigeenkiisa loo qorsheeyay 30-ka Noofambar 2024.
Tan ayaa ka dhigeysa in dowlada Federaalka hadda jirta muddo xileedkeedu yahay shan sano halka maamulada kale marka laga reebo madaxweynayaashooda la isugu keeney muddo xileed shan sano ah.
Puntland ayaa ka maqneyd kulankan iyadoo hogaamiyaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen ee Saciid Cabdullaahi Dani uusan labo kulan imaan shirarka madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka ah.
War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu caddeeyay in madaxda ay isku-raaceen dhaqaajinta howlgaladda milatari ee ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab, dardargelinta hanaanka deyn-cafinta iyo in xukuumadda ay fuliso heshiisyadii hore.
GAROWE ONLINE