Madaxtooyadda Mexico oo iska iibisay diyaarada nooca raaxada ah

Image
Dawladda Tajik iyadda ayaa looga siiyey aduun lacageed garaya $92 milyan oo doolar-ka Mareykanka.

NEW MEXICO, Mexico - Diyaarad nooca raaxada ah oo ay Madaxtooyadda Mexico isku dayeysay in ay iibiso muddo ka badan afar sano ayaa ugu dambeyntii waxay ka degtey hoygeeda cusub oo ah dalla Tajikistan.

Madaxweynaha Mexico, López Obrador, ayaa iibinta diyaaradda Boeing 787 Dreamliner ka dhigay mid ka mid ah balamihiisii ​​ololaha, isagoo ku tilmaamay inay calaamad u tahay ka badbadinta dowladihii hore.

Laakin diyaarada oo si gaar ah loo naqshadeeyay ayaa dhibaato badan lagala kulmay in suuq loo helo waxaana fashilmay isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu beeciyo.

Ugu dambayntii, waxa laga iibiyey dawladda Tajik iyadda oo laga siiyey aduun lacageed garaya $92 milyan oo doolar-ka Mareykanka ah taasoo u dhiganta lacag dhan £73.7 milyan.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay gobolka California, halkaasoo lagu keydin jiray, waxayna timid caasimadda Tajik ee Dushanbe, subaxnimadii Isniinta maanta ah.

Madaxweyne Obrador ayaa shaaca ka dhiga in dhaqaalaha ka soo baxa iibka loo isticmaali doono in lagu dhiso laba isbitaal oo cusub oo laga dhisayo Guerrero iyo Oaxaca.

Saraakiisha Tajikistan ma aysan shaacin cidda isticmaali doonta diyaaradda balse markii ay ka soo baxday hangarka California ee lagu hayay, waxaa jirkeeda horay loogu qoray "Tajikistan".

Diyaaradda ayaa markii hore lagu soo iibiyay sanadkii 2012-kii madaxweynihii xilligaasi Felipe Calderón, waxaana lagu soo iibiyay $218m (£175m). Waxaa markaa isticmaalay ku-sugihii Mr Calderón, Enrique Peña Nieto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM