Mareykanka: Nin 90 sano loogu xukumay weerar cunsurinimo ah

Image
Xukunkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ninkan lagu helay fal cunsuri ah oo dhacay 2019-kii.

WASHINGTON, United States - Garsoore ku sugan dalka Mareykanka ayaa nin ku xukumay 90 sano oo xabsi daa’im ah, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah oo soo xigatay maxkamadda.

Xukunkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ninkan lagu helay fal cunsuri ah oo dhacay 2019-kii, kaasoo lala beegsaday dad wax ka iibsanayay tukaanka Walmart oo ku yaal El Paso, Texas, ayna ku dhinteen 23 qof.

Garsooraha Maxkamadda Dagmada Maraykanka, David Guaderrama, ayaa Jimcihii xukunka ku riday Patrick Crusius, kaas oo bishii February qirtay dambiga, si uu uga fogaado xukun dil ah oo federaal ah.

Crusius ayaa weli wajahaya eedeymo heer gobolka Texas ah taasoo keeni karta ciqaab dil toogasho ah wallow qareenadiisa ay ku dadaalayaan sidii ay uga badbaadin lahaayeen ciqaabtaas.

"Waxaad waalid la'aan dhigtey caruur, waxaad reer la'aan dhigtey xaasas badan, welina way u baahan yihiin," Bertha Benavides, oo ninkeeda lagu dilay xasuuqaas, ayaa ka hor tiri maxkamaddeynta Crusius.

Dhawaqa Benavides ayaa kamid ahaa hadallada saameynta badan oo dhibanayaasha kiiskan ay ka hor-shegegeen maxkamadda horraantii toddobaadkii lasoo dhaafay.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Crusius xilli habeen uu jeexay in ka badan 1,126km si uu u tagay magaalada xadka Mareykanka iyo Mexico ee El Paso halkaas uu falka ka geystay.

Weerarka waxaa dhiirigeliyay Crusius oo aaminsan in muhaajiriinta ka yimid Latin America ay qaadeen "duullaan dadka asalka" ee Texas taas oo uu ugu yeeray "nabad-guur lagu ridayo dadkii lahaa dhulka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM