Mareykanka oo ka warbixiyey duqeyn uu ka fuliyey Soomaaliya

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka dambeeyay kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Toban xubnood Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo uu fuliyay taliska Mareykanka ee Afrika ee Soomaaliya, sidda ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga.

"Kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa saddex weerar oo is-difaacid ah ka fuliyay deegaan fog oo u dhow degmada Afmadow, oo qiyaastii 105 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, waxaana lagu beegsaday argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war qoraal ah.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Qiimeynta horudhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa lagu ogaaday in 10 ka tirsan kooxda argagixisada la dilay, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah".

Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna firfircoon Caalamka, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika. Kooxdan ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaq ka sameysaa gudaha Kenya.

Mintidiinta ayaa dalka oo dhan ka wada weerarro halis ah oo ay uga gol leeyihiin in ay meesha ka saaraan dowladda dhexe iyo in la sameeyo xeer ku salaysan tafsiirkeeda adag ee Shareecada Islaamka.

Dabayaaqadii bishii May, dagaalyahannada ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin Soomaaliya, halkaasoo lagu dilay ugu yaraan 54 askari oo Uganda u dhashay.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siinayay dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay sanadkii hore codsi ka yimid Pentagon-ka oo ahaa in ciidamada Mareykanka dib loo geeyo aaggaas si looga hortago kooxda argagixisada ah.

Ansixinta in ka yar 500 oo askari loo diro ayaa ah mid dib u dhac ku ah go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu 2020-kii ee ahaa in ku dhawaad ​​dhammaan ciidamada Mareykanka uu ka saaro dalka.

Mareykanka ayaa sanadkan qaaday tiro duqeymo ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, oo ay ku jiraan mid lagu dilay 30 dagaalyahan bishii Janaayo iyo saddex bishii Febraayo oo lagu dilay wadar ahaan 24 dabley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM