Mareykanka oo labo duqeyn ka fuliyey Soomaaliya asbuuc gudahiisa
WASHINGTON, United States - Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa duqeyntii labaad oo ka dhan ah Al-Shabaab, oo ah koox argagixiso ah gacan-saar la leh ururka Al-Qaacida, ka fuliyay Soomaaliya muddo lix maalmood gudahood ah, sidda ku cad war-saxaafadeed nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.
Duqeymahan ayaa dhacay iyadoo laga yaabo in Al-Shabaab ay ka faa’ideysanayaan hakadka ku yimid duullaanka ay dowladda Soomaaliya ku heyso kooxdaasi si ay dib ugu soo celiso joogitaankeeda qeybo ka mid ah dalka.
1-dii bishan June, ciidamada Mareykanka ayaa weerar cirka ah ka fuliyay meel u dhow Wayaanta, Soomaaliya, iyagoo taageeraya ciidamada qaranka Soomaaliya, sidda lagu sheegaywar ka soo baxay AFRICOM.
Saddex ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay duqeyntaasi, sida ay AFRICOM sheegtay. Qiimayn horudhac ah ayaa muujineysa in howlgalkaas aysan ku dhiman ama aysan ku dhaawacmin dad rayid ah.
Afhayeenka AFRICOM, Kelly Cahalan ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay dagaal kula jireen dagaalyahannada Al-shabaab xilliga duqeynta ay dhacaysay. Ma jiraan xubno ka tirsan ciidanka Mareykanka oo ku sugnaa aagga duqeynta
Weerarkii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ah ee Soomaaliya ayaa imaanaya wax yar kadib markii AFRICOM ay 26-kii bishan duqeyn ka fulisay meel u dhow saldhig ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika, kaasoo ay weerareen ku dhawaad 800 oo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah.
Weerarkan oo dhacay 26-kii May ayaa lagu burburiyay hub iyo qalab ay si sharci darro ah u qabsadeen dagaalyahannada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM.
Bayaanka AFRICOM ayaa lagu xusin in duqeyntaas ka dhalatay weerarka lagu qaaday saldhigga Buulo Mareer, oo qiyaastii 80 mayl dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Saldhigga Buulo Mareer ee la weeraray waxaa ku sugnaa cutubyo kamid ah ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxaana la soo warinayaa in uu soo gaarey khasaaro badan.
Ilaa iyo hadda sanadkan, millatariga Maraykanku waxa uu Soomaaliya ka geystay sagaal weerar oo xagga cirka ah, waxaana uu hawlgal gaar ah bishii January ku dilay horjooge sarre oo ka tirsanaa kooxda Daacish, Bilaal Al-Sudani, kaasoo la aaminsan in uu gacanta ku hayey furaha dhaqaalaha kooxda ee guud ahaan Bariga iyo Koonfurta Afrika.
GAROWE ONLINE