Mareykanka oo liis madow ku daray horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab
WASHINGTON, United States - Dowladda Mareykanka ayaa liis madow waxay ku dartey shan horjooge horleh kuwaasoo la sheegay in ay kamid yihiin saraakiisha ugu sareysa maleyshiyaadka Al-Shabaab.
War qoraal ah oo kasoo baxay Waaxda arrimaha dibadda Ameerika ayaa lagu soo bandhigay magacyadda horjoogeyaashan loo aqoonsadey argagixiso caalami ah iyo xogtooda dhabta ah.
Maxamed Siidow waa sarkaal dhanka maaliyadda iyo taliye ka tirsan garabka ciidamadda ee kooxda, Jabha. Siidow ayaa madax ka ah howlaha canshuuraha sharci darrada ah ee degaankaCaliyow Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uu sidoo kale hoggaamiyey dagaalameyaal Al-Shabaab oo fuliyey weeraro qaraxyo miino ah.
Cali Yare waa horjooge dhanka maaliyadda ah oo dusha kala socda howlaha lacagaha baadda ee Al-Shabaab ay ka fuliyaan tuulada Beled Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Yare waxa uu mas’uul ka yahay xoojinta dhammaan Zakawaadka iyo canshuuraha aan sharciga ahayn ee laga qaado dadka rayidka ah iyo odayaasha beelaha. Yare ayaa agaasimay oo sheegtay mas’uuliyadda weerar qaraxyo ah oo 14-kii November 2018 lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa agagaarka tuulada Calagacad ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Maxamed Daa’uud Gabaane waa horjooge dhanka maaliyadda ah, wuxuuna mas’uul ka yahay dhammaan howlgallada maaliyadda ee Al-Shabaab ee degmada Wanlaweyn iyo degaanka Beled Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Gabaane ayaa sidoo kale ku magacaaban madaxa garabka sirdoonka kooxda, Amniyaadka, ee degmada Wanlaweyn. Gabaane ayaa haysta Shabakad aad u ballaaran oo si joogta ah u uruurisa xogta ciidamada isbaheysiga iyo Soomaalida ka shaqeysa Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle.
Suleiman Cabdi Daoud waa horjooge dhanka maaliyadda, iyo wali (gudoomiyaha) Beled Amin. Daa’uud waxa uu sidoo kale dusha sarre kala socdaa howlgallada canshuuraha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ay ka fuliyaan Shabeellaha Hoose, isaga oo u qaabilsan qaadista Zakawaadka ee dadka dehaanka.
Waxa uu sidoo kale qeyb ka yahay maamulka “maxkamadda” Al-Shabaab oo kaydisa ganaaxyada laga qaado dadka rayidka ah ee gobolka. Daa’uud waxa uu hore u soo noqday sarkaal ka tirsan Amniyaadka.
Maxamed Cumar Maxamed waa guddoomiye kooxda Al-Shabaab ugu san degmada Diinsoor ee gobolka Baay, Soomaaliya, waxaana uu mas’uul ka ahaa weeraro xiriir ah oo lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah. Maxamed ayaa waxa uu horey u ahaa gudoomiye iyo taliyaha Jabha ee degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Shaqsiyaadka uu Mareykanka horjoogeyaal argagixiso caalami ah u aqoonsadey ayaa waxaa ka mamnuuc ah in ay galaan gudaha Ameerika, waxaana xayiraad saaran tahay dhamaan hantidooda gaarka ah.
GAROWE ONLINE