Marinada dhaca sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ee dib loo furayo
NAIROBI, Kenya - Waxaa socda qorshe dib loogu furayo saddex goobood oo dhaca xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, kaddib 12 sano oo ay u xirnaayeen khatarta argagixisada. Kulanka ugu horeeya ayaa ka dhacay magaaladda Nairobi.
Saddexda marin xuduudeed oo kala ah Mandera/Belet Xaawo (Belethawa), Liboi-Harhar/Dhoobley iyo Kiunga/Ras Kamboni waxaa xiray maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Maamulkii hore muddo xileedkiisu wuu dhamaaday ka hor inta aan la soo afjarin wadahadalada dib u furista. Waxaa la xiray sanadkii 2011-kii, xilligaasoo ay ku bateen weerarada Al Shabaab.
Taasi waxay ahayd markii ugu sareysay duulaanka joogtada ah iyo weerarada ay soo maleegeen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, taasoo keentay in Kenya ay ciidankeeda u soo dirto Soomaaliya si ay u baacsadaan ugana takhalusaan dambiilayaasha hubeysan.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka Kithure Kindiki ayaa hogaaminaya wada hadalada u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, kaasi oo la doonayo in lagu xaliyo xiisada taagan.
Kulankaan ayaa daba socday kulan ay 15-kii bishii July ee sanadkii hore ay wada qaateen Madaxweynaha shaqada ka fariistay ee Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Intii ay socdeen wada-hadalladaas, labada dhinac waxay ku dhawaaqeen tallaabooyin dhowr ah oo wax looga qabanayo walaacyada amni ee ka jira xuduudda ay wadaagaan labada dal iyo sidoo kale furitaanka saddex goobood oo xadka.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, Raymond Omollo, ayaa guddoomiye u ah guddiga isku xirka iyo hawlgallada xuduudaha, kooxda farsamada ee ka shaqaynaya sidii dib loogu furi lahaa saddexda marin ee sohdinta.
Maalintii Khamiista, intii lagu guda jiray furitaanka mashruuca amniga xuduudaha Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ee magaalada, Kindiki iyo dhiggiisa amniga Soomaaliya waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo wadashaqeyn cusub. Mashruuca waxaa maalgeliyay UK.
Saddexda marin ee xudduudaha ee la xiray 2011 ayaa loo arkaa inay yihiin goobo muhiim ah oo laga galo laba dal. Xiritaanka ayaa caqabad ku noqday ganacsiga xudduudaha isaga gudba iyo isu socodka xorta ah ee dadka iyo badeecadaha.
GAROWE ONLINE