Mashruuca ay kharash dhan $300 milyan u raadineyso Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa isku-diyaarineysa fulinta "qorshe xasilin". Hadafka muddada gaaban waa gargaar in la gaarsiiyo degaanada laga xoreeyay ururka Al-Shabaab.
Hase-ahaatee, bartilmaameedka mustaqbalka waa in dib loo yagleelo adeegyada sida caafimaadka iyo waxbarashada degaanadaas, sidda laga soo xigtey Majaladda Financial Times (FT).
Sidda laga soo xigtey warbixinta FT oo lagu wareystey mas'uuliyiin kala duwan, aduun lacageed gaaraya $300 milyan ayaa qorshuhu yahay in barnaamijkan lagu bixiyo saddexda sano soo socota.
Qeeq-bixiyayaasha reer galbeedka ayaa lagu waddaa in ay qeyb ahaan bixiyaan lacagtan, inta kale waxaa la filayaa in ay Soomaaliya la timaado - deyn ahaan ama dakhli gudaha ka yimid.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey FT ayaa caddeeyay in Al-Shabaab ay tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan in xukuumadda Muqdisho ay hesho dakhli ku filan.
"Dowladdu ma haysato dakhli ku filan. Waa maxay sababtu? Al-Shabaab awgeed, dalka ma wada gaari karto. Marka la xoreeyo dalka waxaa jiri doona meel bannaan oo dowladdu ay dakhli ku ururin karto," ayuu yiri.
Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray in uu diiradda saarayo sidii loo heli lahaa deyn cafis kahor inta dalka uusan qaadan qaan cusub oo uu horey ugu sheegay in ay gaarti karto "boqolaal bilyan".
Dhanka kale, deyman-bixiyayaasha ayaa rajeynaya in Soomaaliya ay ballaariso dakhliga canshuuraha gudaha - oo hadda ah wax ka yar 2.7 boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha.
"Qofna hadda ma bixiyo canshuur. Dadku waxay u malaynayaan 'maxay cashuurta u bixinayaan haddaynaan ammaan dareemayn? Waxaan u baahanahay inaan dareemo amaan si aan canshuur u bixino. Markaa, waa xaalad digaag iyo ukun,” ayay tiri Hodan Cismaan, oo kamid ah la-taliyaha sare ee arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha.
Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu qorsheystay in uu sanadkan 2023-ka ka takhaluso Al-Shabaab. Hase ahaatee, khuburada amniga waxay saadaalinayaan in ay adkaan doonto ka dhabeynta balanqaadkan.
GAROWE ONLINE