Matt Gaetz: Midowga Afrika ha heshiisiiyo qabiilada Soomaaliya

Image
Mudanahan ayaa dhowaan ku fashilmay qaraar uu ku doonayay in askarta Mareykanka looga saaro Soomaaliya.

WASHINGTON, USA - Aqalka Hoose ee Mareykanka ayaa Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay laalay qaraar ku baaqayay in ciidamada Ameerikaanka laga saaro Soomaaliya marka laga reebo ilaaladda safaaradda.

Xildhibaan Matt Gaetz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ayaa miiska soo saarey qaraarkan fashilmay kaasoo ay u coddeeyeen 101 mudane halka ay kasoo horjeesteen 321 sharci-dejiyeyaal.

Gaetz oo hadlay kahor inta aan cod loo qaadin mooshinkan ayaa sheegay in Washington aysan faa'iido istaraatiijiyadeed ka helayn in ay kharash badan ku bixiso sii joogitaanka Muqdisho.

"Mustaqbalka Soomaaliya waa in ay go'aamiyaan dadka Soomaaliyeed," ayuu Gaetz u sheegay Xildhibaanadda kahor inta Xildhibaanadda aysan qaab gacan-taag ah ku diidin damaciisa.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan ku doodi lahaa in ay wanaagsan tahay in Midowga Afrika uu dareen qaranimo iyo midnimo u dhiso qabaa'ilka ku dagaallamaya Soomaaliya marka loo eego ciidamada Mareykanka".

Madaxwayne Jeo Biden ayaa dib u soo geliyey ciidamo Ameerikaan ah gudaha Soomaaliya ka dib markii Donald Trump uu u wareejiyay fariisimahooda dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Gaetz waxa uu sheegay in Maraykanka ay waqti-xaadirkan ka joogaan Soomaaliya ku dhawaad ​​900 oo askari. Hase ahaatee, Aqalka Cad ayaa xusay in wax ka yar 500 oo askari la geeyay dalka dhaca Geeska Afrika.

Hase ahaatee, Aqalka Cad ma uusan sheegin shaacinin tirada saxda ah ee ciidamada Ameerikaanka ee jooga Soomaaliya kadib warbixintii Gaetz u gudbiyey Congress-ka bishii March.

Trump ayaa ciidamadda Mareykanka waxa uu ka saarey gudaha Soomaaliya kadib markii looga adkaaday doorashadii madaxtinimadda taasoo uu kusoo baxay madaxweynaha haatan xilka haya ee Joe Biden.

Ciidamadda Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa waxay dhigooda maxalliga ah ka gacan-siiyaan dagaalka ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda caalamiga ah ee Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM