Maxaad ka taqaanaa macdanta ku jirta telefoonkaaga gacanta?

Image
Inta badan qalabka elektaroonigga ah ee aan isticmaalno maanta waxay ka sameysan yihiin tiro macdan ah

NAIROBI, Kenya – Oogada Afrika waxaa hoos yaal kheyraad macdaneed oo qiimo weyn leh. 2019, qaaraddu waxay soo saartay ku dhawaad ​​1 bilyan oo tan oo macdan ah oo qiimahoodu dhan yahay $406 bilyan doolar.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Afrika waxay hoy u tahay qiyaastii 30 boqolkiiba kaydka macdanta adduunka, 12 boqolkiiba saliidda adduunka iyo 8 boqolkiiba kaydka gaaska dabiiciga ah ee adduunka.

Qaaraddu ayaa sidoo kale waxay haysataa qiyaastii 40 boqolkiiba dahabka guud ahaan adduunka iyo ilaa 90 boqolkiiba chromium iyo platinum - labadaba waa biro aad qaali u ah.

Adduunyo macdan ah oo ku jira taleefankaaga gacanta

Inta badan qalabka elektaroonigga ah ee aan isticmaalno maanta waxay ka sameysan yihiin tiro macdan ah - laga bilaabo aluminium ilaa zinc.

2021-kii, ilaa 1.5 bilyan oo talefannada casriga ah ayaa lagu iibiyay adduunka oo dhan – waa koror aad u badan marka lala barbardhigo 122 milyan oo la iibiyey sannadkii 2007. Ilaa 2020, ku dhawaad ​​afar ka mid ah shantii qof (78 boqolkiiba) dadku waxay haystaan talefanada casriga ah.

In ka badan kala bar qaybaha talefanka gacanta - oo ay ku jiraan elektaroonigga, shaashada, baytariga iyo cod-baahiyeyaasha - waxa laga sameeyay macdan iyo agab kale oo hoos-yimaada.

Lithium iyo cobalt waa qaar ka mid ah biraha muhiimka ah ee loo isticmaalo soo saarista baytariyada. Sannadka 2019, qiyaastii 63 boqolkiiba wax-soo-saarka cobalt-ka adduunka ayaa ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Tantalum waa bir kale oo loo isticmaalo qalabka elektiroonigga ah. Tantalum capacitors waxaa laga helaa moobilada, laptop-yada iyo qalabyada kala duwan ee baabuurta.

Wadamadda kala ah Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda waa kuwa ugu badan ee soo saara tantalum. Si wada jir ah ayay u soo saaraan kala bar tantalum-ka laga adeegsado guud ahaan adduunka, sida ay sheegeen cilmi-baarisyo kala duwan.

Qaaradaha iyo dalalka ka macaasha macdanta

Koonfur Afrika ayaa sannadkii macdanta waxay ka sameysaa lacag dhan $125 bilyan Nayjeeriya ayaa ku jirta kaalinta labaad oo leh $53bn sanadkii, Algeria ($ 39bn) Angola ($ 32bn) iyo Libya ($ 27bn).

Shantaas waddan waxay soo saareen wax ka badan saddex-meelood laba meel macdanta qaaradda. Sida laga soo xigtay The World Mining Congress, dunidu waxay soo saartay ilaa 17.9 bilyan oo tan oo macdan ah sanadka 2019.

Aasiya waxa ay ahayd qaaradda ugu wax soo saarka badan aduunka, iyada oo ka dhigan 59 boqolkiiba wadarta wax soo saarka dunida oo lagu qiimeeyay $ 1.8 trillion.

Waqooyiga Ameerika ayaa ku xigay 16 boqolkiiba, waxaa ku xigtay Yurub 7 boqolkiiba. Afrika waxa ay soo saartay 5.5 boqolkiiba macdanta adduunka oo qiimahoodu dhan yahay $406 bilyan, waana qaaradda ugu hooseysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM