New York Times: Weerarkii Galcad waxaa Danab uga dhintay 100 askari

Image
Tirakoobyadani oo ay dowladda federaalka si weyn u qarisay ayay saraakiisha Maraykanka la wadaageen warbaahinta Reer Galbeedka.

NEW YORK, USA - Wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil ka tirsan militariga Maraykanka ayaa wariyey in weerarkii 20-kii Janaayo 2023 ee degmada Galcad ka dhacay ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen illaa 100 kumaandooska sidda gaarka u tabobaran ee Danab.

Tirakoobyadani oo aan laga shaacin Soomaaliya ayay saraakiisha Maraykanka la wadaageen warbaahinta Reer Galbeedka oo todobaadyadan si weyn u hadal haysan hawlgalka Maraykanka uu taageerayo ee Soomaaliya.

Weerarkan oo lagu diley taliye ku xigeenkii Danab Tuuryare ayaa waxaa fuliyay 4 gaari qaraxyo laga soo buuxiyay, 10 nin oo ismiidaamin ah oo walxaha qarxa soo xirtay, iyo 100 ka badan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo weerar xoog badan ku qaaday xeradii Danab kadib qaraxyada.

Saraakiisha Ameerikaanka ayaa weerarkan ku tilmaamay "mid masiibo weyn ahaa", iyaga oo sheegay in haddii aanan isbadelo la samayn muuqda ay Al-Shabaab geysan karto kaas oo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kadib dowladda Maraykanka u gudbisay codsi ah in la siiyo hub ka badan kii horey loogu ogolaa, codsigaas oo laga aqbalay, iyada oo ay Muqdisho kasoo degteen shixnado hub ah oo uu Washington bixisay.

Maraykanka oo adeegsanaya shirkadda Bankroft ee fadhigeeda yahay Washington ayaa sanadkii ku bixisa tabobarka, qalabaynta iyo taageerista Danad lacag dhan 120 milyan dollar.

Saraakiisha Maraykanka ayaa kaamirooyinka kala socda marka ay hawlgal aadaan Danab, haddii ay halis badan la kulmaane waxa ay bixiyaan amar ah in duqeymo cirka ah lagu weeraro cadawga. Waxaase jirta oo kale in dowladda Turkiga iyaduna ay  hawlgalada ciidanka Soomaaliya sameeyaan ku taageerta duqeymo  dhanka cirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM