Colaada Laascaanood: Qaabka loo dilay shan kamida rayidka dhintey

Image
Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo bandhigtey macluumaad aan horey loo baahin.

GAROWE, Puntland - In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan tobanaan rayid ah dagaalka ciidamada ammaanka Somaliland iyo dadka deegaanka ee Laascaanood, sidda laga soo xigtey hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Laga soo bilaabo 6-dii Febraayo ilaa 6-dii Maarso, Amnesty International ayaa xustey in ay wareysatay 37 qof oo ku sugan Laascaanood, oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabada dhibanayaasha, goobjoogeyaal, dhakhaatiir, iyo samafalayaal.

Shan dhakhaatiir ah oo ay Amnesty International la hadashay ayaa tibaaxay in dadka ay daweeyeen intooda badan ay qabaan dhaawacyo rasaas ah iyo dhaawacyo kale oo ka dhashay firirka madaafiicda.

"Hub ka mamnuuc ah goobaha rayidka joogan"

Hay'adda Amnesty International ayaa sidoo kale waxay xaqiijisay in tobaneeyo qof oo dhaawac ah loo gudbiyay isbitaallada ku yaalla magaalooyinka Garoowe, oo ah caasimada Puntland, iyo Muqdisho, oo ah caasimada Soomaaliya

"Dadka rayidka ah ee la dilay waxaa ka mid ah haween, caruur, dad da' ah oo ay xaaladoodu caafimaad qabto iyo shaqaale caafimaad. Inta badan waxaa lagu laayay weerarro aan loo meel dayin oo ay ku lug lahaayeen gantaallo, hoobiyeyaal, iyo hub kale oo walxaha qarxa ah oo saameyn ballaaran leh, kuwaas oo aan marnaba loo isticmaalin meelaha ay dadku ku badan yihiin," ayay tiri Amnesty.

6-dii Febraayo, maalintii koowaad ee dagaalka, Rayaan C/llaahi Axmed, oo ahayd gabar toddobo jir ah, ayaa lagu dilay rasaas, iyadoo ku jirta guriga eeddadeed oo ku yaalla xaafadda Samalay ee koonfurta Laascaanood.

"Xabaal-wadareed ayaa lagu aasay gabadheyda"

Hooyada dhashay Rayaan ayaa u sheegtay Amnesty International in gabadheeda uu madaxa kaga dhacay firir weyn oo isla markiiba dilay: "Qaraabada ayaa u qaaday cisbitaalka guud ee Laascaanood, laakiin isla-markiiba way dhimatay. Gabadhayda waxa lagu aasay xabaal-wadareed lagu duugay dad badan oo kale oo maalintaa dhintay.”

Isla maalintaas, Aamina Jaamac Ibraahim oo ahayd 38-sano jir, ayaa rasaas lagu furay xilli ay ku sugnayd gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Ex-Control ee bariga magaaladda Laascaanood.

Ehelada Aamina oo ay ka mid tahay sodohdeed ayaa u sheegay Amnesty International in meydkeeda uu kala go’ay markii rasaas lagu dhuftay, isla markaana lagu aasay gudaha magaaladda Laascaanood fiidnimadii.

"Nolosheeda baa gabaabsi ahayd kahor intay bixin"

Soddohdeed ayaa tiri: “Aamina waxay qorsheynaysay isla maalintaas inay ka baxdo Laascaanood, laakiin nolosheeda ayaa gabaabsi ahayd ka hor inta aysan bixin. Waxay ifka kaga tagtay toddobo carruur ah oo uu ku jiro hal wiil oo buka oo la ildaran xanuunka macrocephaly oo la socday intii uu weerarku socday. Gurigeedii wuu dumay, wiilkii bukayna hadda waxa ila jooga Kalabeedh".

7-dii Febraayo, Maxamed Xasan Cabdi, oo ah kalkaaliye caafimaad, ayaa ku jiray ambalaas markii gaariga lagu dhuftay rasaasta. Marxuumka ayaa loola cararay mid kamid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho labo maalmood kadib markii uu falkaasi dhacay balse waxa uu geeriyooday 21-kii February.

11-kii Febraayo, Cabdisalaan Siciid Muuse, oo ahaa kalkaaliye caafimaad oo si bilaash ah ula shaqeynaayay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), ayaa waxaa haleeshay oo dilay rasaas habow ah, isagoo ku sugan isbitaalka Gargaar.  Ehelkiisa iyo saddex ka mid ah asxaabtiisa ayaa Amnesty International u sheegay in rasaastu ay uga haleeshay laabta, taasoo keentay inuu isla markiiba geeriyoodo. Isla maalintaas ayaa lagu aasay magaalada Laascaanood.

"Dhinaca bidix ee laabta dalool weyn ayay ku lahayd"

21-kii Febraayo, Saynab Yuusuf Dheeg, oo ahayd haweeney 38 jir ah, ayaa u geeriyootay rasaas haleeshay, iyadoo la fadhida afar dumar ah oo kale meel gurigeeda u dhow. Sida ay sheegtay habaryarteed oo ka mid ahayd haweenkii la socday markii ay geeriyootay, waxa uu madfac ku dhacay goob ay fadhiyeen, waxaana ku dhintay kaliya marxuumad Saynab.

Haweeney dhaqdey maydka Saynab isla markaana diyaarisay aaskeeda ayaa xaqiijisay inay dhinaca bidix ee laabteeda dalool weyn ku leedahay. Saynab waxa lagu aasay xabaal wadareed habeenkaas.

"Boor fara badan iyo qiiq ayaa nagu habsaday; waanu is arki waynay. Waxaan maqlay Saynab oo qaylinaysa. Markii aan indhaha kala qaadney, ayaa waxaan arkay Saynab oo dhiig ku qooyay. Isla goobta ayay ku dhimatay. Dhammaanteen waxaan bilownay oohin, waxaana nala geeyay isbitaalka guud ee eheladeeda," ayay tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM