Qoysaska askarta laga dilay ATMIS oo la siinayo $200 milyan magdhow ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Afrika ayaa aduun lacag dhan $200 milyan magdhow ahaan wuxuu u siiyey qoysaska askarta ka tirsan howlgalka ATMIS ee ku dhintey ama ku dhaawacmay dagaalka dagaalka.
Sidda laga soo xigtey The East African, $174 milyan oo kamid ah lacagtaas ayaa loo qoondeeyay qoysaska laga dhintey, halka inta kale ee soo hartey oo ah $15 milyan la siinayo qoysaska askarta dhaawacntey.
Isagoo la hadlayay Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) laanteeda Afka Soomaaliga, Maxamed El-Amine Souef, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa shaaca ka qaaday khasaaraha baaxadda leh ee soo gaaray Ciidamada.
“Ciidanku si wanaagsan uma diyaarsaneyn, maamulkuna xitaa Muqdisho ma joogin, kiisas badan oo sax ah looma diiwaangelin, howlgalku wuxuu soo bandhigay ku dhawaad 4,000 oo dhimasho ah, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada howlgalka ka soo qab-qabtay howlgalkaas, tirada dhaawacyada oo ay ku jiraan naafada ayaa noqon karta in ka badan 5,000," ayuu Mr Souef u sheegay VOA.
Maxamed El-Amine Souef ayaa waxa uu xaqiijiyay in dhimashadu ay gaareyso 3,500 oo qof, isagoo xusay in khasaaraha ugu badan uu gaaray ciidamada Burundi iyo Uganda.
"Waxaan mudnaanta siin doonaa qoysaska askarta lagu dilay Soomaaliya si loo helo magdhow, maadaama qaarkood aan weli loo aqoonsan dhaqaale la’aan," ayuu carabka ku dhuftey
Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee 2007-dii ciidamo usoo diray Soomaaliya. Xilligaas wuxuu howlgalka ku shaqeynayay magaca AMISOM kaasoo laga guuray bishii Abriil xagaagii 2022 lagana dhigay magaca ATMIS.
GAROWE ONLINE