Ruto oo codsi u diray madaxda dalalka ciidanka ku taageeray ATMIS
NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa mar kale waxa uu ku nuux nuuxsaday in argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya iyo Geeska qaaradda Afrika ay tahay in la soo afjaro.
Isagoo hadlayay Khamiistii todobaadkii aynu kasoo gudubnay, Ruto ayaa waxa uu cod dheer ku bogaadiyay dalalka ay ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya ee la dagaalamaya argagixisada.
"Waxaan u dabaaldegaynaa horumarka laga gaaray taageeridda isbedellada Soomaaliya si ay u noqoto dal xasilloon, ammaan ah, oo barwaaqo ah," ayuu Ruto ku yiri hadal-jeedintiisa.
Ruto waxa uu xusay in dalalkaasi looga baahan yahay inay si degdeg ah talaabo u qaadaan, isla markaana ay xalliyaan waarta iyo saadaalinta taageerada dhaqaale si loo xaqiijiyo in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay si hufan u shaqeeyaan.
Wadashaqeyn ayuu ka dalbadey madaxda dowladaha gobolka si loo maareeyo waqtiga iyo shaqadda howlgalka ATMIS isla markaana argagixisada loogu xakameyn lahaa in aysan soo dhaafin xuduudaha.
Ruto ayaa hadalkan ka sheegay shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka qabsoomay magaalada Entebbe ee dalka Uganda.
Madaxweyneyaasha Yoeri Museveni (Uganda), Xasan Maxamuud (Soomaaliya), Ismaaciil Cumar Geelle (Jabuuti), Évariste Ndayishimiye (Burundi) iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa goob joog ka ahaa.
Madaxweyne Ruto ayaa horay u sheegay in Kenya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya xasiloon oo nabad ah si ay uga faa’iideysato dadkeeda iyo gobolka Bariga Afrika.
Soomaaliya oo nabad ah ayuu hoosta ka xariiqay in ay keeni doonto jawi wanaagsan oo kor loogu qaado ganacsiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah isla markaana xuduuda dheer wadaaga.
GAROWE ONLINE