Saciid Cabdullaahi Deni oo guda galay rafashadii ugu dambeysay

Image
Madaxweynaha bilooyinka uga hareen muddo xileedkiisa ayaa sameeyay isbedel xilli lagu jiro xaalad kala guur ah.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa guda galay rafashadii ugu dambeysay isaga oo sidoo kale tuuray haraantidii ugu dambeysay.

Deni ayaa waxa uu isbedel ballaaran ku sameeyay agaasimeyaasha, guddoomiyeyaasha goboladda, taliyeyaasha ciidamadda qeybaha goboladda iyo hogaanka ciidamadda kumaandooska Danab.

Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil ayuu u xushay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland xilli xukuumadiisa lagu eedeeyay in ay mushaharkii ciidamadda iyo shaqaalaha u weecisay arrimo siyaasad.

Xukuumadda Deni ayaan bixin mushaharka howlwadeenadda iyo ciidamadda dhowrkii bilood lasoo dhaafay. Tani waxay sababtey gadood ciidan oo ka dhacay qaybo kamid ah magaala madaxda.

Cumar Cismaan Siciid ayuu ka dhigay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu. Tani waxay imaanaysaa xilli Deni uu wajahayo eedeyn ku saabsan in uu shaqaalaha dowladda ku riixay in ay ururkiisa KAAH iska-diiwaan-geliyaan.

Taliyayaasha Qaybaha Boliiska ee Goboladda Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag ayuu magacaabid iyo isku-badalid ku sameeyay iyadda oo lagu eedeynayo Deni in uu ciidamadda u adeegsaday fulinta ajandihiisa.

Madaxweynaha ay bilooyinka uga hareen muddo xileedkiisa ayaa waxaa la sheegay in uu dhowr jeer u hoyday xero ciidan labaduba - Boosaaso iyo Garowe - si uu ciidamadda ugu kaga xusho xubno daacad u ah.

G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire ayuu u magacaabay Taliyaha Ururka Danab ee Kamaandoosta Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Puntland.

Ciidamaddan ayaa hormuud u ahaa gadoodka ka dhanka ah damaciisa muddo kororsiga iyo furista dastuurka taas oo dagaal ka riday Garowe isla markaana galaafatay nolosha in ka badan 30 ruux oo shacab u badan.

Muddo xileedka Deni ayaa waxa uu dhamaanayaa 8-da Janaayo, 2024. Tan iyo markii la aas-aasay Puntland, marna dib ugama dhicin taariikhdaas doorashadda madaxtinimada Puntland, waana lama-dhaafaan curfi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM