Saddex ajanade oo miiska u saaran Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhoweeyay madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.
War saxaafadeed kusoo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh uu safarkiisa daaranyahay arrimo la xiriira bilaabista wejiga labaad ee hawlgalada dalka looga saarayo Alshabaab.
Balse waxyaabaha hoosta ka socda ayaa ah kuwa aanan warbaahinta loo sheegin, waxayna wararka xog ogaal ah sheegayaan in Axmed Madoobe uu diidey qorshe horey u jirey.
Sidda ay xogta sheegeyso, qorshahaas ayaa ahaa in kun askari oo ka mid ah kuwii Eritrea lagu soo tabobaray la geeyo Jubbaland, waxaana la sheegay in Jubbaland ay shaki ka qaadday ciidankaasi oo si loola xiriiriyo madaxdii hore ee dalka.
Qodobka labaad ee ay labada nin ka wada hadlayaan ayaa ah xal u helista arrimaha Gedo, iyada oo uu Axmed Madoobe uu kasii hordhacay kulanka, islamarkaasna magacaabay wasiir cusub oo arrimaha Gudaha ah oo kasoo jeeda gobolkaasi, kaasi oo loo xilsaaray arrimaha Gedo.
Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa kadib booqashada Kismaayo in uu tagi doono magaalada Garbahaaray, halkaasi oo uu kaga qeybgali doono kulan siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka ay ku gaarayaan go’aan ka hor inta aanan la dhisin maamul hoos yimaada Jubbaland oo gobolkaasi ka shaqeeya.
Iyada oo ay taasi jirto ayay xasarado ka jiraan Gedo, waxaana Garbahaaray lagu weeraray guddoomiye ay Jubaland dhowaan u magacoowday Gedo, kaasi oo la sheegay in daqaro ay soo gaareen.
Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu aad u danaynayo in Axmed Madoobe ku qanciyo in doorashada Jubbaland laga soo hormariyo bisha August ee sanadka dambe, ayna ka qeybgalaan siyaasiyiinta Gedo, si loo helo Jubaland aanan lagu kala qeybsaneen.
GAROWE ONLINE