Saddex furimood ee colaadda Laascaanood: Af, addin iyo gacan

Image
Dagaalka ayaa lagu waramay in uu Sabtidii kusii fiday waqooyiga iyo galbeedka xarunta gobolka Sool.

GAROWE, Puntland - Dagaalo culus ayaa mar kale ka dhacay waqooyiga iyo galbeedka Laascaanood subaxnimadii Sabtida, iyadoo labada dhinacba midba midka kale ku eedeynayo inuu hurinayo iska horimaadyada.

Isku-dhacan ayaa imaanaya xilli uu jiro walaac isa soo taraya oo ku saabsan xasilloonida gobolka, suurtagalnimada rabshado kale, iyo saameynta adeegyada daryeelka caafimaadka ee shakhsiyaadka barokacay.

Illo wareedyo ka madax banaan ciidamada ayaa Garowe Online u sheegay in dagaalku ku fiday qaybo ka mid ah bariga xarunta gobolka Sool ee xasilooni darada ka jirtey dhowrkii bilood u dambeysay.

Xaalada ayaa sii xumaanaysa iyadoo ay jiraan warar is khilaafaya iyo sheegashada ciidamada ka soo horjeeda. Mas’uuliyiinta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay saddex jiho ka soo weerareen ciidamadooda.

Sida ay sheegeen saraakiisha SSC, dagaalameyaashooda ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan weerarka. Hase ahaatee, kama aysan hadlin waxyeeladda soo gaartey dhankooda.

Abshir Cabdicasiis oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga SSC ayaa ku dhawaaqay "guusha dhankooda" ee dagaaladii u dambeeyey ee dhex maray ciidamada Milatariga Somaliland oo isugu jira gaadiid iyo ciidanba.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadooda hubaysan "ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland iyo Malleeshiyada Laascaanood".

Maamulka Hargeysa oo qoraalkan soo dhex-mariyey telefishinka afkiisa ku hadla ayaa ku andacoonaya in Puntland ay Laascaanood ka dhiganayso gaashaan si ay u carqaladayso nabadda gobolka.

Mas'uuliyiinta ku sugan Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Xildhibaan Faarax Dalmar oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa weerarka.

Xiisadan cusub ayaa daba socota hadal Jimcihii kasoo baxay Somaliland oo ay ku sheegtay inay xaq u leedahay inay difaacdo madax-banaanideeda dhuleed.

Hadalkan ayaa jawaab u ah dhaleecayn xooggan oo uga timid safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taasoo ku boorisay xukuumadda madaxwayne Biixi inay kala baxdo ciidamadeeda ammaanka si looga hortago rabshado kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM