Sarkaalkii ugu sareeyay Somaliland oo ku biiray SSC-Khaatumo
GAROWE, Puntland - Abaanduulihii labaad ee Milatariga Somaliland ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagay ciidamadda maamulka Hargeysa kuna biiray dhinaca SSC-Khaatumo ee ku sugan magaaladda Laascaanood.
Saleebaan Barre Geesood oo ay wehliyaan ciidamo ka amar-qaata ayaa Axadii shalay ahayd waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada xarunta gobolka Sool, sidda ay muujinayaan sawiro uu arkay Garowe Online.
Geesood oo lagu waramay in uu Sabtidii gaaray magaaladda Buuhoodle ayaa saxaafadda waxa uu ka sheegay in go'aankan uu u qaatay "si aan ula dareen noqdo dadkayaga iyo degaankayaga".
Isimada SSC-Khaatumo oo soo dhaweeyay ayaa ugu baaqay bulshada SSC wadajir, iyaga oo afka ku balaariyay in ay dib u dhisan doonaan guryaha ku burburay colaadda Laascaanood.
Geesood oo ah xubin sarre muhiim u ahaa Hargeysa ayaa noqonaya sarnaalkii ugu darajada sareeyay ciidamada Somaliland ee ku biira SSC-Khaatumo iyada oo la is waydiinayo waxa xigi doona.
Horey Gudoomiyaha barlamaanka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo saraakiil ciidan ayaa ugu sugnaa Laascaanood kuwaasi oo badankood ku dhawaaqay in ay isaga tageen xilalkii ay maamulka ka hayeen.
Dagaalka Laascaanood ayaa wali taagan iyada oo ciidamadu ay isku horfadhiyaan duleedyada Laascaanood xilli Isimada SSC-Khaatumo qaarkood ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayay wadahadalo kula yeesheen magaala madaxda dalka. Hase ahaatee, illaa waqti-xaadirkan dadweynaha looma soo bandhigin natiijada wadaxaajoodyada.
GAROWE ONLINE