Shirkad loo xukmiyey in ay $165-kun ka qaadato dowlada Soomaaliya

Image
Xukunkan ayaa waxaa gaartey maxkamad ku taalla caasimada Kenya ee Nairobi.

NAIROBI, Kenya - Shirkad ka shaqeysa arrimaha dhismaha oo laga leeyahay Kenya ayaa kiis maxkamadeed kaga guuleystay dowladda federaalka Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi, siddaay ku warantey Daily Nation.

Sidda laga soo xigtey Jariiradan afka dheer, maxkamad ayaa waxay xukmisay in safaaradda Soomaaliya ay aduun lacageed dhan $165,551 oo magdhow ay siiso shirkadda Kingsley Construction Limited.

Xukunkan ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxa uu ku saleysan yahay markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guuldareystay in ay kasoo jawaabto warqadda dacwadda ee kaga timid xeer-beegtadda.

Kingsley Construction Limited ayaa dacwad laga gudbiyey sanadkii 2019-kii sababo ku aadan qandaraas la siiyey 2016-kii kaasoo ku saabsanaa in ay dayactir ku sameyso dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Qandaraaskan ayaa waxa uu ku kacayay $381,487. Hase ahaatee, shirkadda iyo safaaradda ayaa isku-maan-dhaafay fulinta qandaraaska taas oo keentey in gabi ahaanba la baabi'iyo mashruuca.

Daily Nation ayaa warisay in shirkadda Kingsley ay u sheegtey maxkamadda in safaaradda ay ku fashilantey in ay bixiso lacagta horudhac ah oo dhan $165,551 iyo in shaqaalaheeda loo ogolaado in ay galaan dhismaha.

Bishii July, 2020, maxkamada ayaa ku celisay shirkadda dacwad ay ka gudbisay safaaradda taas oo Kingsley ku qasabtey in ay dacwada u rogtey mid ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya. Safaaradaha wax ma dacweyn karaan mana la dacweyn karo.

Safaaradda ama dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa haatan waxa aysan ka jawaabin xukunka maxkamadda. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay labada dhinac ayaan guuleysan.

Horaantii sanadkan 2023-ka, safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa lagu sameeyay dayactir waxaana ay tani ka dhigan tahay in shirkad kale la siiyey qandaraaska wallow wali aan si rasmi ah loosoo bandhigin fahfaahinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM