Sideed jawaab uu Xasan Sheekh ka bixiyey su'aallo la waydiiyey

Image
Madashan su'aallaha lagu waydiiyey madaxweynaha waxaa soo agaasintey Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale waxa uu soo bandhigay "sidda ay uga go'an tahay in maamulkiisa uu Soomaaliya ka xoreeyo maleyshiyaadka Al-Shabaab".

Xasan Sheekh oo ku dhow hal sano tan iyo markii dib loo doortey ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa warfaafinta soo agaasimay kaasoo uu kaga jawaabay su'aallo kaga jawaabay.

Caqabadda ugu weyn ee dib dhigtay Soomaaliya ayuu ku qeexay "argagixisada galaafatay nolasha kumannaan kun oo dadkeenna ah, caqabaddana ku noqotay nolasha, horumarka iyo wax-wadaqabsiga Soomaaliyeed".

"Sannadkii 2012-kii markii aan xilka nimid waxaan xoreynay deegaanno badan oo Alshabaab gacantooda ku jiray, caqabado badan baa jiray, casharradii iyo khibraddii aan kaas ka barannay ayaa maanta saldhig u ah holwgallada aan wadno. Dadka Soomaaliyeed in ay dagaal ka qeyb-galaan ayaa udub-dhexaad u ah qorshaheenna maanta iyo guusha aan joogno".

"Dabar-goynta" Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey nafhurnimada Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadka deegaannada la xoreeyey, waxa uuna xusay mustaqbalka wanaagsan ee dalkeennu uu leeyahay, markii laga xoreeyo argagixisada iyo rajada aadka u sarreysa ee uu ku qabo in degdeg loo cirib-tiro khawaarijtaas.

"Alshabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la'aan ku imaanaya Muqdisho."

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su'aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay'adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Iskaashiga Baarlamaanka

"Taariikhda waa markii ugu horreysay oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ay hal fadhi ku saxiixaan sharciyo gaaraya 11 sharci oo badankood aas-aas u ah deyn cafinta, maalgashiga iyo dowladnimada. Tani waxay caddeyn u tahay shaqada adag ee socota".

Qadiyadda Laascaanood

"Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto oo la wada xaajoodo. Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan."

Wadashaqeynta Puntland

"Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin".

Maqaamkii Caasimada

"Wali laguma guuleysan, sababtuna waa qabyo-tirka dastuurka oo aan wali lagu guuleysan. Caqabadaha kale oo jira waxaa ugu weyn amniga, iyadoo aan xoogga saareyno sidii aan u joojin lahayn dhibaatada ay argagixisadu ay ku hayso Caasimadda, taas kaddib waxaan ka shaqeyn doonaa bilicda iyo maamul dhiska."

Siyaasadda Dibadda

"Dalalka is diiddan ee gobolka iyo guud ahaan caalamka mid kasta waxaan la nahay saaxiib, mana jirto mid ay colaad nagala dhexayso, waxaanna diyaar u nahay xitaa dalalka is-diiddan in aan ka qeyb-qaadanno isfahnkooda."

Awooda Ra'iisul Wasaaraha

"Awoodaha Ra'iisul Wasaaraha waxay ku qeexan yihiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta dalka waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga, labaduna waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ballaaran ee hadda socota. Xafiiska Madaxweynaha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn, shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda".

Doorashooyinka federaalka

"Waxaa iga go'an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka".

Kulanka uu su'aallaha uga jawaabay Xasan Sheekh ayaa xalay waxa uu ka dhacay Hotel-ka Jazeera. Nabad-gelyadda ayaa aad loo adkeeyay si looga hortago weeraro halis oo ay geysan karaan kooxaha argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM