Siyaasi reer Nigeria ah oo tusaale xun usoo qaatay Soomaaliya

Image
Prof. Pat Utom oo kamid ahaa kooxa ololaha ee musharaxiinta laga guuleystay ee Peter Obi iyo Ahmed Datti.

ABUJA, Nigeria - Siyaasi u dhashay waddanka Nigeria ayaa xun usoo qaatay Soomaaliya xilli uu ka hadlayay is-daba-marin uu sheegay in ay hareysay doorashadii madaxtinimada ee ka qabsoontey waddankaas.

Prof. Pat Utom oo kamid ahaa kooxa ololaha ee musharaxiinta laga guuleystay ee Peter Obi iyo Ahmed Datti ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir-saxaafadeed ka dhacay magaaladda Lagos.

Utom ayaa ka digay in Nigeria ay qaadi doonto "dhabaha Soomaaliya oo kale haddii aanan xabsi loo taxaabin dhamaan dambiileyaasha ku shubtey ama musuqmaasuqa doorashadii guud ee dhacdey February 25 iyo March 18.

"Illaa iyo maxkamad laga soo taagayo dhamaan shaqsiyaadka is-daba-marinta sameeyay, kalmadda ah "xabsi ayaa loo taxaabayaa" waxay Nigeria kasii ahaan doontaa wax lagu jees-jeeso," ayuu caddeeyay.

Wuxuu raaciyey: "Cawaaqib-xumada ka dhalata in aan lala xisaabtamin kuwa iyaga oo xasaanada ku gabanaya burburinaya dimuqraadiyada Nigeria waxay nagu direysaa wadada bohosha ah ee Soomaaliya".

Waa kuma madaxweynaha cusub ee Nigeria?

Bola Ahmed Tinubu ayaa loo doortey madaxweynaha Nigeria. Hase ahaatee, wali si rasmi ah looma caleema-saarin. Mucaaradka waxay gudbiyeen dacwad ay doonayaan in ay ku burburiyeen guusha hogaamiyahan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo siyaasiyiin reer Nigeria ah ama dalal kale kasoo jeeda ay tusaale xun u soo qaataan Soomaaliya oo waqti-xaadirkan kasoo kabanaysa dagaalkii sokeeye ee dhacay sanadkii 1991-dii.

Tinubu waa 70 jir u sharraxnaa xisbiga talada haya ee APC, oo lagu dhaliilay inuu Nigeria u horseeday dhaqaalo xumo iyo amni darro baahsan dhowrkii sano lasoo dhaafay.

Tinubu oo ah siyaasi caan ah, ayaa lagu ammaanay shaqooyinkii uu ka qabtay magaalada Lagos markii uu ahaa barasaabkeeda, xilkaas oo uu ka degay sanadka markii uu ahaa 2007.

Waxa uu awood badan ku leeyahay gobollada koonfur galbeed, hase yeeshee si lamid ah madaxweynaha cusub waxaa horey lagu eedeeyay musuq maasuq, eedeyntaas oo uu beeniyay.

Dadka dhaliila ayaa sidoo kale waxay carabka ku adkeeyaan in uu caafimaad ahaan liito, oo aanu ka bixi karin hawsha adag ee hogaaminta dalka Nigeria, taasoo uu beeniyay kuna tilmaamay "dacaayad aad raqiis u ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM