Soomaali kamid noqotey 1,300 qof oo loo diidey in ay ka dagaan Ireland

Image
Dadkan ayaa la celiyey afartii bilood ee ugu horreysay 2023, sidda laga soo xigtey majaladda Irish Examiner.

LONDON, UK - Soomaali ayaa kamid noqotey in ka yar 1,300 oo qof ayaa loo diiday inay ka degaan Madaarka Dublin ee Ireland afartii bilood ee ugu horreysay 2023, sidda laga soo xigtey majaladda Irish Examiner.

Sidda ku xusan warbixintan, shaqsiyaadkan ayaa waxaa loo hor-istaagay sababo la xiriira in ay haysteen ​​waraaqo been abuur ah ama ma haystaan ​​dukumeenti socdaal ahba.

Ku dhawaad ​​1,010 kamid ah dadkii loo diiday ayaa la horgeeyay saraakiisha socdaalka ee garoonka, iyagoo aan haysan wadan wax dukumeenti ah, sida ay muujinayaan tirokoob cusub oo ay soo saartay waaxda cadaaladda.

"Waddamada ugu badan ee ay ka soo jeedaan dadka safarka ahaa ayaa waxay ahaayeen Georgia, Soomaaliya, China, Kuwait, iyo Syria," ayaa la raaciyey warbixinta.

Dhanka kale, marka la eego 281-ka qof ee soo bandhigay dukumentiyada safarka ee been abuurka ah waxay u dhasheen Zimbabwe, Albania, Iran, Algeria, iyo China.

Sidda ku xusan tirokoobka waaxda socdaalka, dadkan oo wadar ahaan dhan 1,781 qof ayaa loo diiday inay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee Dublin intii u dhaxaysay Janaayo iyo Abriil.

"783 qof oo kale ayaa loo diiday inay ka soo degaan dekedaha laga soo galo ee aan ahayn Madaarka Dublin intii u dhaxaysay Janaayo 2022 iyo Abriil 2023," ayay kusii dartey hay'adda.

Diidmada dhulka macnaheedu maaha in socdaalayaasha imanaya loo diiday inay dalka galaan, si kastaba ha ahaatee, waxayse ka dhigan tahay in aysan haysan ogolaanshiyo una baahan yihiin fasax dowladeed rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM